Askari ka tirsan ciidanka ciidanka AMSIOM oo dad Shacab ah ku dhaawacay magaalada Baladweyne

0

Askari ka tirsan Ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah Howlgalka AMISOM, kuna sugan magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa illa todobo qof oo shacab ah maanta ku dhaawacay Magaaladaasi Rasaas uu huwiyay.

Qof deegaanka ah oo la hadashay warbaahinta  ayaa sheegay in Askariga ay ismaandhaafeen haweeney uu qaadka ka iibsan jiray oo lacago deymo ah ku lahayd.

Labadan dhinac oo muran uu u dhexeeyo ayaa Askariga Jabuutiyaanka la sheegay in uu rasaas ooda ka qaaday taas oo sababtay dhaawaca dadkaan

Intaas kadib ayaa Askariga falkaan geystay waxaa la sheegay in ay kexeeyeen Ciidamada Jabuuti iyo kuwa ammaanka magaaladaasi Baladweyne , lana geeyay saldhiga magaaladaasi.

Maamulka degmada, kan gobalka Hiiraan iyo saraakiisha AMISOM ayaanan wali wax war ah ka soo saarin arintaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here