Askari katirsan ciiddanka amniga Puntland oo qof shacab ah ku dilay Garowe

0

Ciidamada amniga Puntland ayaa muddo 72 saac gudaheed mar kale Garowe ku dilay qof kale oo shacab ah oo aan waxba galabsan, xilli ay sii kordhayaan dilalka askarta Puntland ay u geysanayaan dadka rayidka .

Xalay nin dhallinyaro ah oo lagu magacaabo Bootaan cowl, kana mid ahaa dhallinyarada firfircoon ee Puntland, ayuu askari katirsan ciidanka amniga ku dilay duleedka magaalada Garowe ee caasimadda Puntland.

Illaa iyo hadda lama garanayo sababta loo dilay ninkan dhalinyarada ah, oo geeridiisu aad looga hadal hayo baraha bulshada.

Maalmo ka hor ayay ahayd markii ciiddanka madaxtooyada Puntand ay Garowe ku dileen gabadh dhallinyaro ah oo ahayd ardayd jaamacaddeed.

Sanadihii ugu dambeeyay inta uu madaxweyne Deni talada la wareegay, waxaa aad usii kordhay dilalka dadka rayidka ciidamadu ugeysanayaan.

Tiro-koob maalin dhowayd lasoo bandhigay ayaa muujinayay in Garowe oo kaliya ay ciidamadu si macno la’aan ah ugu dileen 9 qof oo shacab ah muddo labo sano gudeed, iyadoo aan wax maxkamad ah lasoo istaagin askartii dishay.

Inkastoo maamulka Puntland uu dib u habayn ku sameeyay ciiddamada, haddana tallaabadan wax weyn kama beddelin hab dhaqanka ciiddanka ee bed qabka shacabka.