Axmed Madoobe, C-wali Gaas, Cali Guudlaawe iyo Michal Keating oo goordhaw gaaray Cadaado.

0

Xildhibaano ka tirsan Maamulka Galmudug iyo Mass’uuliyiinta kale ee Galmudug ayaa xaqiijiyay in goordhaw Magaalaadaasi ay ka dageyn Madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland, Michal Keating, Iyo Madaxweyne Ku Xigeynka Hirshabeelle.

Dhammaan Madaxdaasi ayaa waxaa goroonka cadaado ku soo dhaweeyay Xubno ka tirsan Golaha Baarlamanka ee Maamulka Galmudug iyadoo loo galbiyay Xarunta Madaxtooyada Cadaado.

Hogaamiyaasha Gaaray cadaado ayaa waxay ka qeyb galayaan Xafladda caleema saarka Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Xaaf.

Amaanka magaalada ayaa aad loo adkeeyay waxaana Amaanka la wareegay Ciidamo laga waday Magaalada Muqdisho oo Badan NISa.

Warar aan la hubin ayaa sheegay in madaxweynaha Soomaaliya uu ka baaqday Xafladaasi lamana Oga sababta keentay.