Baarlamaanka Carabta oo ka digay in Khilaafka Farmaajo & Rooble uu saameeyo Amniga iyo Doorashada.

0

War kasoo baxay Baarlamaanka Carabta ayaa looga hadlay Xaaladda Siyaasadeed ee Soomaaliya gaar ahaan khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo & Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble.

Bayaanka Baarlamaanka Carabta ayaa lagu sheegay in wax laga xumaado uu yahay khilaafka u dhaxeeya Farmaajo & Rooble maadaama Soomaaliya ay gashay Xaalad kala guur ah oo waxaa socda Doorashada Aqalka Sare BFS.

Baarlamaanka ay ku midoobeen dalalka Xubnaha ka ah Ururka Jaamacadda Carabta lagu muujiyay halista ka dhalan karta Khilaafka, waxa uu soo jeediyay in Madaxda Qaranka ay iska fahmaan waxyaabaha ay isku hayaan sida hadalka loo dhigay.

“Waa nasiib darro Khilaafka Siyaasadeed ee Soomaaliya, waa in xal loo helaa inta aanay fidin, waxa uu halis ku yahay oo uu burburin karaa geedi-socodka Dalka, tallaabada keliya ee furan waa in xal degdeg ah ay ka gaaraan Madaxda Qaranka” ayaa lagu yiri Warka kasoo baxay Baarlamaanka Carabta.

Qoraalka ayaa lagu muujiyay “tallaabo kasta oo loo qaado si mas’uuliyad darro ah ama aan laga fiirsan in ay dhaawici karto ammaanka, xasiloonida & midnimada, keliya waxaa looga gudbi waa in dedaal xooggan la geliyaa sidii la isaga fahmi lahaa” ayaa lagu yiri qoraalka Baarlamaanka Carabta.

Ugu dambeyn Bayaanka kasoo baxay Baarlamaanka Carabta waxaa lagu sheegay in uu diyaar u yahay ka qaybgalka wadahadal weliba oo miiska la isugu keennayo Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo & Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble.

“Baarlamaanka Carabta waxa uu diyaar u yahay in uu taageero tallaabo kasta oo lagu gaari karo is afgarad qaran, korna loogu qaadayo amniga gudaha & xasiloonida, si loo gaaro himilooyinka Dadka Soomaaliyeed ee ah Horumarka & Nolol Wanaagsan” ayaa lagu soo gabagabeeyay bayaanka.

Dowlado, ururro & dhinacyo kala duwan oo daneeya arrimaha Soomaaliya ayaa soo jeediyay in wadahadal lagu dhammeeyo khilaafka u dhaxeeya Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble oo mas’uul ka ah Amniga & Doorashooyinka Dalka & Madaxweynaha muddo xilheynta Dastuuriga ah ka dhammaatay ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Mustaqbal