Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa magaalada Dakar ee dalka Senegal kulan kula yeeshay Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Afrika (AfDB) Dr. Akinwumi Adesina iyo xubno sare oo ka tirsan Bangiga.
Ugu horreyn Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi ayaa warbixin ka siiyay Madaxweynaha Bangiga xaalada Dhaqaalaha Soomaaliya iyo horumar laga gaaray arrimaha dib u habeynta dhaqaalaha iyo kordhinta mashariicda Bangigu uu ka wado Soomaaliya.
Sidoo kale Wasiir Cilmi ayaa ka warbixiyay heerka uu marayo hannnaanka barnaamijka Deyn Cafinta Soomaaliya iyo horumarka ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka sameysay, isaga oo sheegay in Soomaaliya ku dhaw dahay in laga cafiyo dhammaan deymaha lagu leeyahay waqti dhaw.
Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Afrika Dr. Akinwumi Adesina ayaa ku bogaadiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay horumarka ay ka samaysay barnaamijka Deyn Cafinta iyo dib u habeynta hannnaanka Dhaqaalaha dalka, waxa uuna sheegay in Bangiga uu garab taagan tahay Soomaaliya si ay ugu guulaysato arrimaha dib-u-habeynta iyo dhamaystirka Barnaamijka Deyn Cafinta Soomaaliya oo dhamaystirka ku dhaw.
Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur iyo Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Afrika ayaa ka wadahadlay mashaariicda iyo barnaamijyada horumarineed ee Bangiga uu ka taagero Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa sheegay in ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku taageri doonaan mashariicda dheeraadka ah Deeqaha Bangiga ugu talagalay Soomaaliya ka baxsan.