Beesha Caalamka oo wada dadaalo la isugu keenayo dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada

0

Beesha Caalamka ayaa wada dadaalo la isugu keenayo dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada, si loo xaliyo is mari waaga ka taagan hannaanka doorashada.

Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa la sheegay in Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada uu kala hadlay sidii shir la isugu imaan lahaa, si meesha looga saaro caqabadaha ku hor-gudban hirgelinta hannaanka doorashada.

Mr Swan oo todobaadkii hore tagay magaalada Baydhabo, halkaasoo kula kulmay Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa ku boggaadiyay dadaalada uu wado ee la xiriira xalinta khilaafka doorashada, si loo gaaro is afgarad iyo wada shaqeyn.

Sidoo kale waxaa uu maalmaha soo socda uu tagi doonaa xarumaha kale ee dowlad goboleedyada.

Maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa horay u codsaday in shir la isugu yimaado, si loo xalliyo tabashooyinka jira, hase ahaatee dowladda Federaalka ayaa la sheegay inay diidan tahay wada hadal xilligan la isu yimaado, taa bedelkeed heshiiskii 17 September la hirgeliyo

Xukuumadda oo todobaadkii hore ku dhawaaqday in la bilaabayo hirgelinta doorashada ayaa qorsheyneysa in doorashada laga bilaabo saddexda dowlad goboleed ee xiriirka dhow la leh, balse tallaabadan ayaa haddii la qaado waxay dalka u horseedi kartaa kala qeybsanaan.