Beesha Caalamka: “Waxaan garawsanahay walaaca laga keenay Doorashada Aqalka Sare”.

0

Warsaxaafadeed kasoo baxay Beesha Caalamka ayaa looga hadlay xaaladda guud ee dalka, doorashada Aqalka Sare ee ka dhacday Dowlad-Goboleedyada Puntland, Koofur Galbeed, Galmudug & Jubbaland.

Warka ayaa lagu muujiyay walaaca ka dhashay hab maamulka Doorashada Aqalka Sare BFS, Beesha Caalamka ayaa Golaha Wadatashiga qaran ku boorisay in uu sii wado kulamada lagu dhammeystirayo doorashada Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya.

“Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka ayaa soo dhoweeyay shirka Madasha Wadatashiga Qaran (MWQ) ee 21 iyo 22 Agoosto, waxayna bogaadiyeen wadatashigooda joogtada ah si horey loogu wado hanaanka doorashada” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka.

“Waxaana GWQ ku boorinaynaa inay arrimahan wax ka qabtaan si loo taageero hanaan doorasho oo daahfuran, waqtiyaysan, loo wada dhanyahay oo lagu kalsoonaan karo oo loo qabto Golaha Shacabka. Iyagoo la xusuusanaya in boqolkiiba 24 ee kuraasta Aqalka Sare ay ilaa iyo hadda haween ku guuleysteen, waxaan ku baaqaynaa in dadaallada la laballaabo si loo gaaro qoondada haweenka ee ugu yaraan boqolkiiba 30 ee kuraasta labada Aqa lee Baarlamaanka ay haweenku helaan” ayaa lasii raaciyay qoraalka.

Beesha Caalamka ayaa soo dhaweysay Guddiga Amniga Doorashooyinka, waxa ay dalbatay in uu xoojiyo hubinta ammaanka goobaha loo asteeyay Doorashada Golaha Shacabka lana tixgeliyo Amniga Ergada, Musharixiinta & Xubnaha Guddiga Haweenka ah.

“Saaxiibadu waxay GWQ iyo saamilleyda kale la wadaagayaan inay rumeysanyihiin in hufnaanta hanaanka doorashadu ay muhim u tahay xasilloonida Soomaaliya, waxaan sidaa darteedy GWQ ku dhiirigelinaynaa inay qaadaan tallaabooyinka lagama maarmaanka si loo xaqiijiyo in hanaanka doorashada lagu dhammeystiro si lagu kalsoonaan karo, daahfuran oo waqtigii loogu talagalay ku dhacda”.

“Saaxiibada beesha caalamku waxay ku hanweynyihiin inay sii wadaan wada shaqaynta si loo hirgeliyo hanaan doorasho oo daahfuran oo waqtigiisi ku dhaca” ayaa lagu soo gabagabeeyay Warsaxaafadeedka kasoo baxay Beesha Caalamka.

Warsaxaafadeedkaan waxaa si wadajir ah usoo saaray AMISOM, Belgium, Canada, China, Egypt, Ethiopia, Midowga Yurub (EU), Finland, Germany, Urur Goboleedka (IGAD), Ireland, Italy, Japan, Kenya, Jaamacadda Carabta (LAS), Netherlands, Sweden, Switzerland, Turkey, Uganda, Boqortooyada Ingiriiska (UK), Mareykanka (US), & Qaramada Midoobay (UN).