Beesha Caalamka:-Waxaan ka codsanaynaa madaxda Soomaalida in ay dejiyaan xiisadda siyaasadeed ee kacsan!

0

Saaxiibada beesha caalamku ee Soomaaliya oo qoraal soo saaray ayaa sheegay in ay aad uga walaacsanyihiin si dhowna ula socdaan xaaladda taagan iyo waxyaabaha ku soo kordhay siyaasadda dalkaan ku yaalla geeska qaaradda Afrika.

“Waxaan madaxda Soomaaliya ugu baaqaynaa in ay danta dalka ka hormariyaan wax walba, ayna dejiyaan xiisadda siyaasadeed ee kacsan, iyo in ay ka joogsadaan daandaansiga ama adeegsiga xoogga oo wiiqi kara nabadda iyo xasilloonida” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay beesha Caalamka.

“Saaxiibada beesha caalamku waxayn marar badan ku celceliyeen walaac isa soo taraya ay ka muujiyeen wax isdaba marin xagga habraaca iyo dib u dhaca hannaanka doorashada Soomaaliya. Waxa lagama maarmaan ah in degdeg ah loo hirgeliyo heshiisyadii 17 Sebtembar 2020 iyo 27 May 2021, ee saldhigga u ah doorashooyinka iyadoo aan lagu sameyn wax carqalad dheeri ah” ayaa la raaciyay qoraalka saaxiibada Soomaaliya ee beesha Caalamka.

“Kulan ay yeeshaan Golaha Wadatashiga Qaran sida ugu dhakhsiyaha, oo ay weheliyaan wadtashiyada kale ee dhexmaraya saamilleyda muhimka ah, ayaa si degdeg ah loogu baahan yahay si loo dardargeliyo loona hagaajiyo geedi socodka, doorashadana loogu soo gunaanado si degdeg ah oo lagu kalsoonaan karo, taasoo heli doonta kalsoonida dadka Soomaaliyeed” ayaa lagu soo xiray qoraalka beesha Caalamka.

Qoraalka waxaa si wadajir ah u soo saaray Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Talyaaniga, Japan, Kenya, Holand, Norway, Suudaan, Iswiidhan, Uganda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka iyo Qaramada Midoobay.