Biden oo kordhiyay Cunaqabateynta Dhaqaale ee Soomaaliya Sabab Amni Awgeed.

0

Madaxweynaha 46-aad ee Mareykanka Joe Biden ayaa kordhiyay Cunaqabateyn sanad kale ugu yaraan qaadaneysa oo uu ku xayiray Dhaqaalaha Soomaaliya, waxaana tallaabadaan qaaday labadii Madaxweyne ee ka horreeyay Barack Obama & Donald Trump.

Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa daabacay qoraal kooban oo uu ku sheegay in madaxweyne Biden uu saxiixay warqadda kordhinta Cunaqabateynta Dhaqaalaha Soomaaliya ee loo cuksaday arrimaha dhanka Amniga.

“Iyada oo la qadarinayo Xaaladda Soomaaliya, Amniga & Siyaasadda waxa ay ku socdaan meel khatar ah, Siyaasadda qaran ee Arrimaha dibadda Mareykanka ayaa lagu qiimeyay xaaladda aan caadi ahayn” Sidaasi waxaa lagu yiri Warqadda Aqalka Cad kasoo baxday.

Qoraalka ayaa intaas lasii raaciyay “Sababta xaaladda Degdega ah dhalisay ayaa lagu dhawaaqay 12-kii April 2010, waxaana tallaabada la qaaday 20-ka July 2012, waa in aan sii wadnaa xayiraadda laga bilaabo 12-ka April 2021”.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in uu ilaalinayo amarka Tirsigiisu yahay 13556 taas oo ka dhigan in uu sii soconayo 12-ka Bilood soo socota oo waxaa qiimeyn lagu sameynayaa sanad kadib sida ay sheegtay Warbaahinta Mareykanka oo si qoto dheer u gashay nuxurka cunaqatabeyntaas.

Mareykanka ayaa Tusaale uga dhigay go’aankaas rabshadaha & isku dhacyada waxa  ay ugu yeereen “Argagaxisada” Geeska Afrika, waxaana ugu dambeeyay 5-Rayid ah oo lagu dilay Qarax Isniintii ka dhacay Magaalada Muqdisho oo Caasimadda Dalka ah.

Mustaqbal