agaalada Dhuusamareeb xarunta DG Galmudug waxaa maanta la geeyay Saraakiil katirsan Booliiska AMISOM si ay u ilaaliyaan nabadgalyada Doorashada Golaha Shacabka BFS ee lagu qabanayo Magaalaas.
AMISOM ayaa qorsheysay in ciidamo gaar ah oo tababar ku qaatay Magaalada Muqdisho ay geyso min labada Magaalo ee loo qorsheeyay in lagu doorto Xildhibaannada Golaha Shacabka BFS si ay u ilaaliyaan Xasiloonida.
Taliyaha Ciidanka Booliiska AMISOM Gen. Augustine Magnus Kailie ayaa qorshahaan ku tilmaamay mid lagu xaqiijinayo xasiloonida Goobaha lagu dooranayo Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya.
Sidoo kale, AMISOM waxa ay ciidan Booliis ah geysay Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose oo ah xarunta DG Koofur Galbeed oo kamid ah Degmooyinka lagu qabanayo doorashada Golaha Shacabka BFS.
AMISOM waxa ay tababar gaar ah siisay Ciidamada Booliiska Federaalka & Dowlad Goboleedyada si ay uga wada-shaqeeyaan nabadgalyada Doorashooyinka Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya.
Doorashada Golaha Shacabka waxaa lagu qabanayaa Magaalooyinka Muqdisho, Jowhar, Baladweyne, Dhuusamareeb, Gaalkacyo, Boosaaso, Garoowe, Kismaayo, Garbahaarey, Baydhabo & Baraawe.
Mustaqbal