Taliska qaybta Booliiska Gobolka Bari DG Puntland ayaa Magaalada Boosaaso ka sameeyay howlgal amni xaqiijin ah oo ay Ciidamada ammaanka ku baareen Xaafadaha qaar, Gaadiidka & goobo ay ka shakiyeen.
Howlgalka waxaa hoggaaminayay Taliyaha qaybta Booliiska Gobolka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud, Ciidamada ayaa galay Xaafadaha qaar & Hoteellada oo ay kasoo qabteen dad ay tuhmayeen sida uu xaqiijiyay Taliska.
Shacabka Magaalada Boosaaso ayaa Booliiska u gudbiyay Cabasho ka dhan ah Burcad ka furata Telefoonnada gacanta & agabka kale ay wataan, taasi ayaa dhalisay in Ciidanku jawaab ka bixiyo sida sheegay Taliska qaybta Booliiska Gobolka Bari.
“Howlagaladaan oo ahaa kuwo lagu xaqiijinayo ammaanka ayaa meelaha qaar waxa ay ciidamadu u sameynayeen guri-guri iyo Hoteellada oo ay galeen, waa qayb kamid ah xoojinta Ammaanka & la dagaalanka Burcadda Shacabka ka furata agabkooda” ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay barta Taliska qaybta Booliiska Gobolka Bari.
“Ciidamada ammaanka ayaa inta ay ku jireen howlgalkaan waxaa u suurta gashay in ay gacanta ku soo dhigaan dad ku howlanaa falal liddi ku ah ammaanka. habeenadii lasoo dhaafay waxa ay ciidamada Magaalada Boosaaso ka wadeen howlgallo culus oo ka dhan ah burcadda dhalinyarada ah” ayaa lasii raaciyay qoraalka.
Magaalada Boosaaso waa goobta labaad ee ah Deegaan Doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka qaybta Puntland lagu soo dooranayo, Hay’adaha ammaanka ayaa xooggooda isugu geeyay Magaaladaan oo marar kala duwan ay ka dhaceen Qaraxyo, Dilal & Weeraro.
Dhulka Buuraleyda ah ee kulaala Magaalada Boosaaso waxaa ku sugan Al-Shabaab & Daacish oo maalmihii lasoo dhaafay kordhiyay dagaallada ay ku qaadayaan saldhigyada Ciidamada Puntland ay ka ilaaliyaan xarunta Gobolka Bari.