Booliiska Puntland oo gacanta ku soo dhigay gaadiid Khamri uu saarnaa

0

Ciidamada Booliiska Puntland ayaa maanta sheegay in ay gacanta ku soo dhigeen moondooriyaha Khamriga.

Khamrigan ayaa waxa lagu soo qabtay duleedka degmada Qardho ee Puntland, kadib hawlgal ay sameeyeen ciidamada Booliiska Puntland.

Ciidamada oo ka warbixiyay hawlgalkaas ayaa maanta ku soo qabteen maandooriyahan Khamriga, ayaa waxa ay sheegeen in ay saarnaayeen Labo gaari, isla markaasina loo waday magaalada Qardho .

Waxa ay sheegeen in ay baxsadeen , raggii watay gaarigaas sharcigana ay horgayn doonaaan Labada gaari ee Khamriga uu saarnaa.

Taliyaha Ciidamada Booliiska Cabdi Caseyr Yuusuf ayaa digniin adag u jeediyay dadka caadaystay ka ganacsiga iyo isticmaalka Khamriga isagoo ku hanjabay in tallaabo adag laga qaadi doono cid kasta oo lagu qabto falkaas.