Boqorka iyo Dhaxal Sugaha Sacuudiga oo hambalyo u soo direy Madaxweynaha Soomaaliya

0

Boqorka Dalka Sacuudi Carabiya Boqor Salmaan Bin Cabdicasiis iyo dhaxal sugaha dalkaas Maxamed Bin Salmaan ayaa dhambaal Hambalyo ah usoo diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,taas oo ku saabsan munaasabadda sannad-guurada 60-aad ee madax-bannaanida goballada Koofureed ee dalka iyo Midowgii labada gobol ee Waqooyi iyo Koofur.

Hambalyada ayaa lagu yiri “Boqorka isaga oo ku hadlaya magaca, shacabka iyo dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya, wuxuu bogaadin iyo hambalyo kal iyo laab ah u diraya Madaxwayanaha iyo shacabka Soomaaliyeed isagoo u rajeyanaya farxad, degganaansho iyo nabad waarta”

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale waxaa hambalyo u soo direy madax kale oo ka tirsan caalamka.