Bukaano cusub oo laga helay cudurka Safmarka ah Covid-19

0

Wasaaradda caafimaadka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in baaritaano la sameeyay 24kii saac ee ugu dambeeysay laga helay dad gaaraya 52 ruux iyadoo inta ugu badan dadkaasina ay yihiin kuwo ku nool dowlad goboleedka Puntland.
War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka ayaa lagu sheegay in 72 saac ee la soo dhaafay guud ahaan Soomaaliya laga helay 52 xaaladood oo caabuqa Covid-19, oo 40 kamid ah ay ku sugan yihiin Puntland, halka 5 ruuxna laga helay Jubbaland, 4 ruux laga helay Somaliland iyo 3 ruux oo laga helay gobolka Banaadir.

Tirada guud ee dalka Soomaaliya cudurkan laga helay ayaa waxa ay gaarayaan 3,362 iyadoo ay u geeriyootay 97 ruux.

Guud ahaan caalamka waxaa cudurka Covid-19 laga helay bukaano gaaraya 26.9 million oo ruux halka ay u geeriyootay dad ka badan 880,000 oo ruux.