Burhaan Cilmi: “Ma jirto dacwad Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyina kasoo gaartay Doorashada Ceelwaaq”.

0

Burhaan Cilmi Xirsi, Afhayeenka Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka Dadban ee Federaalka (GXKHDDF) ahna Wakiilka Guddigaas ee Doorashooyinka DG Jubbaland ayaa kahor yimid diidmada Guddoomiyaha Guddigaas uu kala hor tagay Doorashada Ceelwaaq.

Afhayeenka ayaa sheegay in aanay jirin dacwad ka dhan ah Doorashadaas oo Guddiga soo gaartay, mar haddiise sidaas dhicin ay xad-gudub tahay in Guddoomiye Maxamed Cawil qaato go’aan uu ku diidayo natiijada doorashada Ceelwaaq.

Burhaan ayaa sheegay in ka wakiil ahaan aanay jirin cabasho ama dacwad ka dhan ah Doorashada Ceelwaaq lagu qabto oo soo gaartay, waxa uu intaas ku daray in xubnaha Guddiga loo qaybiyay Dowlad-Goboleedyada si loo fududeeyo howsha doorashada.

“Waxa aan ahay wakiilka Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka Dadban, sida aad ogtihiin Guddiga Doorashooyinka Dadban FEIT waxa uu goob doorashada ka dhigay Ceelwaaq anaga waan kula shaqeynay, sida habraaca & sharciga uu yahayna 3 maalmood gudahood ciddii dacwo ku keensata ayaa Guddiga Xalinta Khilaafka xaq u leeyahay in uu hakiyo Doorashadaas haddii dacwad kasoo gaarto doortaha & la doortaha iyo isla guddiyada Doorashada maamulaya ee SEIT iyo FEIT, suuragal ma aha in GXKHDD isaga oo aan dacwo cidi u keenin & wax muran ah aan annaga niraahno Doorashadaas Xor iyo Xalaal ma ahayn” Sidaasi waxaa yiri Burhaan Cilmi Xirsi.

Wakiilka Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka Dadban Federaalka (GXKHDDF) ee Jubbaland Burhaan Cilmi Xirsi ayaa sheegay in marka la eego dacwadda ay kasoo billaabato xubnaha wakiilka ah si kaddib ugu soo gudubto xubnaha kale ee Guddigaas.