C.C Warsame oo ka hadlay Sababta uu ku taageeri waayay Cayrintii Haysom

0

C/raxmaan Cabdi Shakuur Warsame oo kamid ah mucaaradka ugu weyn ee dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in seddex arin darteed uu dowladda Soomaaliya ugu taageeri waayay go’aankii ay ka qaadatay Nicholas Haysom.

Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook ayuu kaga hadlay waxyaabaha keenay inuu taageeri waayo go’aanka dowladda Soomaaliya dalka uga eriday Danjire Nicholas Haysom.

Qoraalka C/raxmaan C/Shakuur Warsame ayaa u qornaa sida Hoose:-

Saaxibkey ayaa i waydiiyey maxaad u taageeri waysay go’aanka lagu eryey Ergeyga Qaramada Midoobay. Sow ma ogid in Somaaliya ay Soomaali leedahay oo dal madax banaan nahay. Waxaan ku iri haa waan ogohay, laakiin sedex sabab ayaan u taageeri waayey

1- Hadii Soomaaliya ay Soomaali leedahay, shacabka reer Koonfur Galbeed ee la laayey waa Soomaali. Ninkuna wax kale dawlada ma waydiinin ee maxaa shacabkaas lagu dilay ayuu ka dooday.

2- Hadii u isagu Ajnabi yahay, taangiga Itoobiya ee Shacabka Baydhabo lagu dilay waa Ajnabi kale. Ajnabiga wax dilaya ka aamus ama taageer, kii maxaa loo dilay yirina ka qayli isma qabato.

3- Tan madaxbanaaninada, hadii madaxda qarankeena iyo xuduudaha dalkeena ay AMISOM ilaaliso oo Heysom markii la soo magacaabay ee uu dalka imaanayey, dawladeena lagala tashan, salaan sharafna uu ciidanka AMISOM ka qaatay, immigration isaga u gaar ahna uu ka soo degey, Madaxweynaheena warqado aqoonsi u dhiibanin, ciidan Qaramada Midoobay ka socdaahina ay ilaaliyaan xagee madaxbanaanida taalaa. Sow marka hore In dayaca sidaas na baday in wax laga qabto maaha. Ma filaayo in isaga iyo kuwa la midka ah wax looga qaban karo warqad sedex sadar ku qoran iyo mudaaharaad meelo laga abaabulay.

Saaxibow anigu waxaanba u haystaa in qoraalka uu Heysom dawlada u diray uu ku doonayey in uu iyaga wax la qabto oo uu lahaa war nimanyahow baxarkaan ayaad ku jirtaane, isi sanceeya oo dhooqada lugaha kala baxa. Laakiin sida muuqata qolo aan u furi doonin ayaa kooxda talada haysa u rartay. Heysom ha tago ama ha joogo, su’aalaha iyo doodaha warqada ku qoran ee taciga xuquuqda bani’aadamka ka hadlaya kuwo haraya maaha.