Cabdiraxmaan Cirro: “Haddii Muuse Biixi uu doorashada qaban waayo 13ka November 2022 kursiga wuu inoo siman yahay.

0

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro, musharraxa Madaaxweyne ee Xisbiga Mucaaradka waddani ayaa eedeyn culus u jeediyay Xukuumadda Muuse Biixi Cabdi oo uu ku tilmaamay in uu doonayo rabshada ka dhaca Somaliland.

Cirro ayaa sheegay in Madaxweyne Muuse haddii Xukuumaddiisa ay qaban weyso Doorashada ku waqtiyeysan 13ka November 2022 waxaana uu shaaciyay in haddii dib loo dhigo kursiga madaxweynaha ay u siman yihiin Xisbiyada.

Musharrax Cirro ayaa Madaxweyne Muuse Biixi ku dhaliilay in ay dib u dhigeyso Doorashada iyada oo looga adkaaday Doorashooyinkii dhacay, beegsiga mas’uuliyiinta mucaaradka oo uu kamid yahay, xarig & handadaad.

“Haddii Muuse Biixi Cabdi uu doorashada qaban waayo 13ka November 2022 kursiga wuu inoo siman yahay, mana aqbali doonno tallaabo weliba oo daan-daansi ah, talada oo cid gaar ah marooqsata waa cadawga 1aad ee Nabadda” Cabdiraxmaan Cirro.

Musharraxa Xisbiga Waddani ku metalaya Xilka Madaxweynaha Somaliland ee Cabdiraxmaan Cirro ayaa sheegay in dhabbaha Xukuumadda Madaxweyne Biixi ku socoto ay tahay mid Niyad-jab, burbur, dib u dhac & buuq badan abuuraya.

Waxa uu bogaadiyay Guddigii isku xil qaamay dhexdhexaadinta Xukuumadda iyo Axsaabta Mucaaradka si looga hortago halis ka dhalan karta dibadbaxa nabadda ah ee mucaaradku iclaamiyeen iyo diidmada Xukuumaddu kala hortagtay.

Cirro ayaa dib usoo cusbooneysiiyay in ay qabanayaan dibadbaxa ay u baajiyeen wadahadallada iyo waan-waanta guddiga uu waday balse guuldareysatay sida uu hadalka u dhigay musharraxa xilka Madaxweynaha Somaliland Doorashada uga qaybgalaya Xisbiga Waddani.

“Taageerayasha Axsaabta Mucaaradka waxa aan u sheegeynaa in dib loo billaabi doono mudaharaadyadii nabadda ahaa oo dhammaan ka qabsoomi doona Gobollada, Xukuumadda kama aqbali doonno in ay xukunku ku xalaalsato cabsi gelinta Dadka” ayuu yiri Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro.

Xisbiyada Mucaaradka Somaliland ee Waddani & UCID ayaa Xisbiga talada haya ee Kulmiye ku eedeeyay in uu dib u dhigayo Doorashada Madaxtooyada, waxaana burburay wadahadallo ay wadeen guddi ka socda Bulshada qaybaheeda.