Cabdiraxmaan Odawaa oo deeq lacageed gaarsiiyay iskuul ku yaala Dhuusamareeb

0

Musharaxa madaxweyne dowlad goboleedk Galmudug Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) ayaa kaalmo gaarsiiyay mid ka mid ah iskuulada ku yaala Dhuusamareeb.

Dhuusamareeb waxaa ku sugan musharaxiinta u tartamaya xilka madaxtinimo ee dowlad goboleedka Galmudug, waxaana la filayaa in bishaan dhamaadkeeda ay ka qabsoonto doorasho uu kusoo bixi doono midkood shanta musharax ee isku haya xilka.

Cabdiraxmaan Odawaa oo ka mid ah musharaxiinta is baheystay ee taageerada ka helaya xisbiyada mucaaradka ayaa qaaday tallaabo qurux badan kadib markii uu deeq lacag ah gaarsiiyay iskuulka Gurmad oo ay dhigtaan caruur danyar ah iyo Agoon.

Odawaa waa mid ka mid ah shaqsiyaadka lagu tuhmayo aqoonta ee rajada laga qabo iney dhisaan dowlad ay ka faa’ideystaan bulshada halkaas kasoo jeeda, waxaana dadka siyaasadda falanqeeya ay ku sheegayaan inuu heysto rajada ugu fiican.

Si kastaba Odawaa wuxuu hadal yar oo qurux badan ka hor jeediyay ardayda iskuulka Gurmad, wuxuuna ku dhiirigaliyay iney soo fariisteen halka ay fadhiyaan, isagoo u rajeeyay iney hormar weyn ka sameyn doonaan waxbarashada.

Musharaxa wuxuu gaarsiiyay iskuulka Gurmad lacag dhan 3,000 (Saddex kun oo dollar), maamulaha iskuulka ayaana uga mahad celiyay Odawaa sida garashada leh uu ugu damqaday caruurta iskuulka, wuxuuna ka codsaday qof walba oo ay ka go’do talada iney xilka u dhiibaan Odawaa.

Maamulaha wuxuu aaminsan yahay in Odawaa uu yahay shaqsiga ugu haboon ee loo dhiibi karo Galmudug maadaama uu yahay shaqsi aqoon leh, sidoo kalana fahmi kara baahiyaha gaarka ah ee bulshada ku dhaqan deegaanka.

Deeqdaan uu Odawaa gaarsiiyay iskuulka Gurmad waxey waji qurux badan ka bixineysaa Galmudug halka ay tiigsan doonto hadii Odawaa uu noqdo madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug.

DAAWO MUUQAALKA