Canada oo muwaadiniinteeda ku boorisay in “si degdeg ah” ay kaga baxaan Itoobiya.

0

Dowladda Canada ayaa muwaadiniinteeda ku boorisay in “si degdeg ah” ay kaga baxaan Itoobiya oo ay ka socdaan dagaalo xooggan oo u dhexeeya ciidan Qaran Itoobiya iyo maleeshiyaadka TPLF ee waqooyi dalkaasi.

Tani waxay qayb ka tahay cadaadiska caalamiga ah ee dunida ku doonayso in Abiy Axmed ku joojiyo dagaalka Tigray.

Qoraalka dowladda Canada ayaa lagu yiri “Ka fogow dhammaan safarrada Itoobiya” iyada oo laga cabsi qabo dagaalka u dhexeeya, qowmiyadaha, kacdoonka shacabka, colaadaha hubaysan ee ka socda woqooyiga dalka iyo khatarta ah in ay ku sii fidayaan meelo cusub digniin la’aan ah.

“Hadii aad ku sugan tahay Itoobiya, si degdeg ah dalka uga bax. Awoodda aan ku bixinno kaalmada qunsuliyada ee qaybo ka mid ah dalka aad ayay u xaddidan tahay” ayaa lagu yiri qoraalka.