Wasiirka Socdaalka Canada Sean Fraser ayaa ku dhawaaqay qorshaha Dowladdiisa ay ku qaadaneyso Malaayiin Shaqaale oo dibadda laga keenayo si ay u daboolaan baahida loo qabo sida uu hadalka u dhigay.
Sean Fraser, waxa uu tilmaamay in Dadkaan dibadda laga keenayo ay muhiim u yihiin kobaca dhaqaalaha Canada si looga soo kabto Saameynta taban ee laga dhaxlay Covid-19 oo aafo ku noqday Guud ahaan Caalamka.
Wasiirka Socdaalka Canada ayaa tilmaamay in marka la gaaro 2025 ay Dowladdiisa diiradda saareyso sidii ay u heli lahayd Xirfadleyaal Dibadda ay ka keensaneyso iyada oo xulashada Dadka u baahan shaqadaas ku salayn doonto fursadaha markaas muuqda.
Canada waxaa ku nool Dad gaaraya 38,929,902 (Soddon & Siddeed Milyan, sagaal boqol, labaatan & sagaal kun, sagaal boqol & labo ruux) sida lagu sheegay qiyaas la sameeyay July 2022 oo lagu ogaanayay Bulshada Dalkaas.
Dowladda ayaa kordhisay lacagaha Canshuurta waxa ay taasi sababtay dibadbaxyo ay dhigeen Wadayaasha Gaadiidka Xamuulka qaada oo si gaar ah uu go’aankaan u taabtay, Xukuumaddu waxa ay sheegtay in ay wax ka qabaneyso hoos u dhaca dhaqaalaha Dalkaas.
Safirka Doollarka Canada marka loo baddelayo Doollarka Mareykanka waxaa ku yimid is baddel weyn, lacagta kirada, qiimaha maciishadda & fursadaha kale ayay arrintaan saameyn taban ku reebtay.