Wadamada aduunka muwaadinka canshuurta la baxa ayaa leh mudnaanta iyo manaafacaadka dowladnimo sida sugida amnigiisa,wanaajinta waxbarashadiisa, ilaalinta caafimaadkiisa iyo dhowrista sharafka iyo cirdigiisa iska daa dalkiisa gudihiisa ee aduunka daafihiisa ayaa lagu ilaalshaa.
Hadii aan usoo dego ujeedka qormadeyda iyo micnaha ciwaankeeda caasimada ummada soomaaliyeed ee muqdisho oo mudaba la filaayey in ey labo mudnaan mid hesho 1 maqaam caasimad nimo 2 ama mid maamul goboleednimo ayaan ilaa hada helin xataa mid beelnimo xili gobolada dalka ey mid walba maamuskeeda heshay miiskana ku timaado xaqeedana ku dhacsato.
Ka sokoow in ey weysay waxey mudneyd muqdisho hadana waa magaalada kaliyah ee dakhligeeda 100% ey maamusho dowladu ama cunto halka gobolada kale eysan $1 uga imaan dowlada balse dakhliga muqdisho qaarkood laga siiyo lacago ayagoo dakhliga kasoo xarooda dekadahooda isku ekeysiiyey dowladana eysan waxba kasiinin waxaana la sheegaa in miisaniyadda dowlada ey 60% bixiyaan beesha caalamka taasoo micnaheedu yahay in 40% ey muqdisho bixiso tasoo ka dhigan kaaga kula lihi keygana anaa iska leh .
Inkastoo muqdisho ey sidaas u tahay deeqbixiye guud oo udhexeeyey soomaali hadana lama siiyo mudnaan dadkeeduna xataa ma cabiri karaan ra,yigooda siyaasiga ah mana isku soo bixi karaan si madax banaan, amnigoodana cidna ma sugto oo maalinkasta ayey ku dhintaan gacmo kaladuwan oo ey qeyb ka tahay dowlada lafteeda sida askrteeda oo si bareer ah u dila shacabka ugana xirta jidadka una weerara hadey isku soobaxyo nabadeed sameyn damcaan.
Ayadoo maamul warerkaas iyo mudnaan la,aantaas qabta oo ey tahay magaalada kaliya ee si buuxda ey gacanta ugu hayso dowladu ama ey kataliyaan hay,adaha fedaraalku ayaa hadana eysan jirin cid si dhab ah u matasha oo uu dooda xuquuda dadka muqdisho madaxda ku magacaaban maamulka gobolka waa kuwo wareegto lagu keenay una muuqda in eysan si madax banaan ugu doodi Karin dadka ey ku magacaabanyihiin masuuliyadooda sida maamulada kale.
Hadii maamulo loo kala baxay maamul kastana leeyahay madax siyaasadeed iyo kuwo dhaqan oo har iyo habeen u taagan danaha deegaankaas muqdisho maxaa helay dadkeedi? Ma idinkoo ah canshuurbiyaxa qaran ee kaliyah ayaad hadana ka qatan tihiin xuquudiini dastuuriga aheyd? Miyeysan laheyn odayaal dhaqan?! miyeysan lahey siyaasiniin madani ah?! miyeysan laheyn dhalinyaro ka dhiidhisa dhibka haysta sida maamulada la mid ka ah ee ayagoon waxba usoo celin fedaraalka hadana u taagan xaqooda maamlin cadna ka qaata ? !
Hadii muqdisho eysan heli Karin xuquuqdeeda dastuuriga ah ma weysan siyaasi ka xishooda oo bal wax uun usoo celiya?maadama ey tahay canshuur bixiye waayo dekadda iyo airport kaliyah ee dowladu dakhligiisa qaadato waa kuwa muqdisho yaa iisheegi kara wax lacag ah oo dowlada uga yimaada garoowe, Hargeysa, Kismaayo,baydhabo,gaalkacyo,dhuusmareeb,jowhar iyo baladweyn ?! maxaey u heli la,dahay maamul ey ayadu soo doorato ileen mamulada kale waa is doortaane?
Hadii intaas ey weysay muqdisho intaasna ey bixisay ma igu raacsantahay in ey tahay canshuurbixiye aan cisi laheyn?! Laga sugimaayo maamulkeeda ku yimid wareegtada ee magacaabistiisa abaalka uga haya madaxweyne uguna adeegaya siyaasadiisa ama uu madaxweynuhu geystay saaxibadiisa ama adeegayaashiisa in uu usoo istaago danaha dadka uu ku magacaabanyhay?
Ugu dambeyn muqdisho hadey weysay xaqeeda dastuuriga ah waa in ey heshaa xaqeeda qabiiliga ah waayo maamulada kalaba wxey ku dhisanyihiin habqabiil waxaana u istaagi kara dadka deegaanka hadii ey fakaraan sidaa rabto hadaad weyso sidaa ka badin weysaa la.yeelaa
W/Q:Hassan H Ahmed email: xasan110@gmail.com