Carruur ku dhimatay roob ka da’ay Magaalada Muqdisho!

0

Magaalada Muqdisho waxaa ka da’ay roob saameyn ku yeeshay qoysaska qaar, waddooyinka caasimadda waxaa gooyay xareed, halka guryaha qaar biyo degeen noqdeen kadib markii ay ka sare mareen daadadka roobka caasimada ka hoosay.

May be an image of outdoors and tree

Guri ku yaalla Xaafadda Buula-xubey Degmada Wadajir daad ku fatahay waxa uu galaaftay nolosha carruur ku jirtay, qaarkood ayaa la badbaadiyay halka ay ku dhinteen in ka badan 4-Carruur sida Mustaqbal ay u xaqiijiyeen Dadka deegaanka.

May be an image of outdoors

Geerida carruurtaan ayaa timid kadib markii Biyaha Roobka ay ka sare mareen guryo ay ku jireen oo dhagax ka sameysan balse dhul ahaan ka hooseeya waddooyinka biyo mareenada ah sidaasna daadka ugu rogmaday.

Gurmad ay sameeyeen qoysaska deriska la ah dhibbanayaasha ayaa ku guuleystay in ay badbaadiyaan xubnaha qaar, waxaana socda dedaal biyaha ay uga saarayaan Hoygooda si ay dib u deegaansadaan.

May be an image of one or more people, tree and body of water

Muqdisho marka uu roobka da’o waxa uu saameynta ugu weyn ku reebaa qoysaska barakacayaasha ah, kuwa degen Guryaha qadiimiga ah & xaafadaha ka dhaw meelaha biyo mareenada ah, halka waddooyinka qaar isu socodkooda uu joogsado.

Mustaqbal