CCW oo dhambaal ku aadan gurmadka Abaaraha uu ka siday MW Soomaaliya la wadaagay Xoghayaha Guud ee Ururka Islaamka.

0

Ergeyga Gaarka ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Bini’aadannimada iyo gurmadka Abaaraha Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo booqasho shaqo ku jooga dalka Sacuudi Carabiya, ayaa kulan la yeeshay Xoghayaha Guud ee Ururka Islaamka, Xuseen Ibraahim.

Ugu horreyn Ergeyga gurmadka Abaaraha ee Soomaaliya ayaa Xogahaya Guud ee Ururka Islaamka ugu waxbixiyey xaaladda guud ee dalka gaar ahaan abaarta ba’an ee Soomaaliya ka jirta iyo sida ugu habboon ee ay dalalka Islaamka kaga qaybqaadan karaan gurmadka abaaraha.

Dhanka kale Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo wakiil ka ah Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Dhanbaal qoraal ah oo uu ka siday Madaxweyanha oo ku aaddan gurmadka abaaraha la wadaagay Xoghayaha Guud ee Ururka Islaamka Xuseen Ibraahim Dhaaha.

Warsame iyo Dhaaha Xoghayaha Guud ee Ururka Islaamka ayaa meel isla dhigay tillaabooyin dhowr ah ee loogu gurmanayo dadka Abaartu saameysay, isaga oo Xoghaya dhankiisa u balan qaaday xogahaya in uu kaalin weyn ka qaadan doona sidii gurmadka loo soo gaarsiin lahaa dadka Soomaaliyeed ee Abaarta ku barakacay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qeyb ka ah Ururka Islaamka oo ay xaruntiisu tahay Magaalada Jiddaha ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Ururkaan ayaa ka kooban 57 Dawladood, Soomaaliyaa waxa ay ka mid tahay aasaasayaashii Ururka.