CCW oo sheegay in ay shaacin doonaan akoonnada rasmiga ah ee looga qeyb qaadanayo Gurmadka Abaaraha.

0

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan Arrimaha Bani-aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo Hoggaanka Guddiga Gurmadka Abaaraha ayaa maanta warbaahinta kulla hadlay Magaalada Muqdisho.

Ugu horreyn Ergayga oo ay hareer taagnaayeen Guddiga Gurmadka Abaaraha ayaa ka warbaxshay xaaladda guud ee Dalka gaar ahaan dadka ay abaartu saameysay, isaga oo sheegay in Abaarta Soomaaliya ka jirta ay 40 sano ka hor ugu dambeesay Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan Arrimaha Bani-aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha ayaa ka codsaday Bulshada Soomaaliyeed in ay ka qeyb qaataan u gurmashada dadka ay Abaartu saameysay.

Warsame ayaa sheegay in ay shaacin doonaan akoonnada rasmiga ah ee looga qeyb qaadanayo Gurmadka Abaaraha, isaga oo sheegay in ay maamuli doonaan qaar ka mid ah Guddiga Gurmad Abaaraha, sidoo kale waxa uu Dowlad Gobaleedyada ka codsaday in ay sameystaan Guddiga Gurmadka Abaaraha, si ay u sahlanaato u gurmashada dadka ay abaartu saameysay.

Ugu dambeyn Ergeyga oo Madaxweynaha JFS ka wakiil ah iyo Hoggaanka Guddiga Gurmadka Abaaraha ayaa sheegay in la joogo xilligii aan si kala har lahayn shacab iyo madax looga qeyb qaadan lahaa gurmadka abaaraha.