Ciidamada DFS oo qabsaday Magaalada Galcad ee Gobolka Galgaduud.

0

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashayana Dadka Deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda ayaa maanta qabsaday Magaalada Galcad Gobolka Galgaduud Dowlad-Goboleedka Galmudug.

Wasiirka Gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda ay si buuxda gacanta ugu dhigeen Magaaladaan oo muhiim u ah usii gudubka deegaanno kale oo katirsan DG Galmudug.

Wasiir Cabdulqaadir ayaa sheegay in Ciidamada Federaalka ee Shacabka deegaanka ah ee Garab istaagga u muujiyay in ay horumar ka sameeyeen howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ ee ka socda Gobollada Dalka.

Ciidamadu ayuu tilmaamay Wasiirka Wasaaradda Difaaca XFS in ay usii jiheysteen deegaanno kale oo horleh si ay u gaaraan Degmada Xeebta leh ee Ceeldheer oo ay uga sii gudbi karaan dhanka Gobolka Mudug waa sida uu hadalka u dhigay.

Saraakiisha hoggaamineysa howlgallada ka socda Gobollada Shabeelaha Dhexe & Hiiraan oo ah DG Hir-Shabeelle iyo Galgadud & Mudug oo DG Galmudug ah ayaa sheegay in todobaadyada soo socda ay qabsan doonaan deegaannada gacanta Dowlad-Goboleedyadaas ka maqan.