Ciidamada dowladda Soomaaliya oo la wareegay deegaano badan oo hoostaga degmada Janaale

0
Ciidamada dowladda Soomaaliya gaar ahaan Ururada 83-aad iyo 84-aad ee guutada 14-ka Oktoobar oo garab ka helaya ciidanka Midowga Afrika ee ATMIS ayaa howgalo balaaran oo saacadahii lasoo dhaafay ay sameeyeen waxay kula wareegeen deegaano dhowr ah oo hoostaga degmada Janaale ee gobolka Sh/hoose.

Deegaanada ay ciidamadu howgalada kula wareegeen waxaa ka mid ah Malable, Siigaale, Cabanane, Beeraha baay iyo Buulo aruundi oo dhamaantood ah deegaano hoostaga degmada Janaale, kuwaas oo ay horay u maamuli jireen dagaalamayaasha Al-shabaab.

Taliyaha Ururka 84-aad ee guutada 14-ka Oktoobar laaba Xidigle Cali Mahdi Beerdiide oo hogaaminayay Howlgalka ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in howlgalka inta uu socday ay ku guuleysteen soo saarista Miinooyin ay Al-shabaab ay ku aaseen wadooyinka gala deegaanada hoostaga Janaale, isagoona sheegay in Al-shabaab ay gaarsiyeen khasaare xoogan, walow uusan faahfaahin khasaaraha inta uu dhan yahay.

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa muddooyinkii dambe si aad ah waxay u dardar galinayeen howlgalada ka dhanka ah dagaalyanahada Al-shabaab, waxaana meelaha ugu badan oo ah ciidanka dowladda howlgalada ay ka wadaan ka mid ah deegaanada gobolka Hiiraan oo ay ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleeyda ay kula wareegeen deegaano dhowr ah oo ku yaala inta u dhaxeysa magaalooyinka Baledweyne, Matabaan iyo Maxaas.