Ciidamada Maraykanka oo duqeyn ku diley carruur ku nool Jilib

0

Ururka Alshabaab ayaa ku eedeeyay dowlada Maraykanka in ciidamadeeda duqeyn ay ka geysatay maanta degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe ay ku dishay carruur kuna burburiyeen guri.
Duqaynta oo dhacday 2dii duhurnimo ee maanta ayaa Warbaahinta taageerta Al-Shabaab lagu soo bandhigey sawiro muujinaya meydadka saddex carruur ah iyo burbur soo gaaray guri.

Carruurtan ayaa la sheegay inay da’doodu u dhexeyso 8 sano illaa 13 sano mana sheegin ururka Alshabab cid kale oo waxyeelo ka soo gaartay duqeyntan.

Hase yeeshee majiro wax war ah oo ka soo baxay dowlada Maraykanka oo ah inay duqeyn ka fuliyeen maanta degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.

Taliska ciidamada Afrika ee Africom ayaa warbixin uu soo saaray shalay ku sheegay inay bishii April ee sanadkan duqeyn ay ka geysteen magaalada Jilib ay ku dileen qof rayid ah halka saddex kalana ay ku dhaawacmeen.