Ciidamadii muddo kororsiga ka hortagay oo ka baxay Muqdisho (Sawirro)

0

Ciidankii ka tirsanaa Milateriga ee ka soo baxay furimaha dagaalka, kana hortagay muddo kororsigii Farmaajo ee labada sano ayaa maanta ka baxay Muqdisho, kaddib heshiiskii maalin ka hor ay gaareen Ra’iisul Wasaaraha, Guddigii farsamada iyo Midowga Musharaxiinta oo dhigayay in 48 saac looga saaro difaacyadii ay kaga sugnaayeen Muqdisho.

Gaadiid dagaal oo fara badan oo ay wateen ciidankan ayaa la isugu geeyay Duleedka Muqdisho, halkaasoo lagu sagootinayo.

Saraakiil ka tirsan ciidanka Milateriga, Xildhibaano iyo Senataro ayaa sagootinaya ciidamadan, kaddib markii xal laga gaaray xiisadii ka jirtay Muqdisho, lagana laabtay muddo kororsigii.

Cabashadii ciidankan ay qabeen ayaa la xaliyay sida xuquudooda, iyadoo qodobadii lagu heshiiyay ay ka mid aheyd xuquudooda iyo mushaarkooda inay helaan.

Ciidamadan ayaa todobaadyo ka hor ka soo baxay furimaha dagaalka ee deegaano ka tirsan Shabellaha Dhexe.

ciidamadii muddo kororsiga ka hortagay oo ka baxay muqdisho (sawirro)ciidamadii muddo kororsiga ka hortagay oo ka baxay muqdisho (sawirro)ciidamadii muddo kororsiga ka hortagay oo ka baxay muqdisho (sawirro)ciidamadii muddo kororsiga ka hortagay oo ka baxay muqdisho (sawirro)