Ciidamo Boolis ah oo ka socda dalka Nigeria oo soo gaaray Soomaaliya

0

Ciidamo Boolis ah oo ka socda dalka Nigeria ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho caasimada Soomaaliya si ay uga mid noqdaan howlgalka midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM).

Ciidamadan ayaa joogi doona Soomaaliya muddo hal sano ah, waxayna la-talin iyo taageero hawlgalba siin doonaan ciidanka booliska Soomaaliyeed .

Isuduwaha Howgalka Booliska AMISOM, Kuxigeenka Taliyaha Booliska (DCP), Daniel Ali Gwambal ayaa sheegay in 30 askari oo ka mid ah ciidamadan la geyn doono magaalada Beledweyne ee dowlad goboleedka Hirshabelle, halka inta soo hartayna ay ka shaqeyn doonaan caasimada Soomaliya ee Muqdisho.

Dalka Soomaaliya ayaa waxaa hore u joogay ciidamo fara badan oo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, kuwaas oo ka socda dalalka Afrika qaarkood, waxaana Ciidamadan ay isugu jiraan kuwo Milatari ah iyo kuwo kale oo Boolis ah.