Ciidamo ka tirsan kuwa DF oo qarax lagula eegtay duleedka Wanlaweyn

0

Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay qarax xoogan uu ka dhacay qeybo ka mid ah gobolkaasi, kaas oo lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda federaalka Somalia.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa si gaar ah uga dhacay wadada xiriirisa degmada Wanlaweyn iyo deegaanka Warmaxan ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa sheegaya in qaraxaas lala bartilmaameedsaday kolonyo ay wateen ciidamada milatariga Soomaaliya, xilli ay ku socdaalayeen halkaasi.

Ugu yaraan labo askari ayaa ku dhintay qaraxaas, iyadoona ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay.

Sidoo kale qaraxa kadib ciidamada sida gaarka ah tababaran ee Danab ayaa tegay goobta, kuwaas oo baaritaano kooban sameeyey.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada Wanlaweyn iyo saraakiisha ciidamada Xoogga dalka oo ku aadan qaraxaasi.

Inta badan dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro qaraxyo ah iyo kuwa dhaba-gal ah ku qaada ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ee ka howl-gala Soomaaliya.