Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo xusaya 48-sano Guuradii kasoo wareegtay Aas-aaskooda

0

Muqdisho maanta waxaa qorshuhu yahay in ay ka dhacdo Xaflad lagu xusayo 48 Sano guuradii kasoo wareegtay markii la Aas-aasay Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

Waxaa lagu wadaa in Munaasabadda Xuska 48-sano Guurada kasoo wareegtay Aas-aaska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed in ay ka dhacdo xarunta Xero Maslax, iyadoo ay ka qeyb gelayaan xubno ka socda madaxda dalka.

Bashiir Maxamed Jaamac Goobbe Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa wuxuu ciidamada ugu hambalyeeyay 48-sano Jirsigooda, wuxuuna muujiyay in ay Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed diyaar u yihiin in ay gutaan howsha Qaran qeybta uga Aaddan.

“Sanad guurada 48-aad ee kasoo wareegtay markii la Aas-aasay Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo ku beegan 22-ka Bishaan, waxaan Hambalyo leeyahay, Sareeyeyaasha, Saraakiisha, Saraakiil xigeennada, Alifleyda, Dableyda Ciidanka Asluubta, Xaasaskooda iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed inay horumar ku gaaraan sanadkan kiisa kale” ayuu yiri Sareeyo Guud Bashiir.