Ciidanka Burundi oo howlgallo kawada deegaanno hoostaga Mahadaay.

0
A soldier stands watch atop of a hill above the Al Shabab held town of Barawe in the Lower Shabelle region of Somalia on October 5. AMISOM Photo / Tobin Jones

Ciidanka u dhashay Burundi ee ku howlgalla ATMIS ayaa deegaanno katirsan Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ka billaabay howlgallo baaris ah oo ku sameynayaan qaybo kamid ah deegaannadaas baarista ay ka wadaan.

Ciidamada ayaa baaraya Gaadiidka, Dadka iyo qaybo kamid ah Xaafadaha deegaannada hoostaga Mahadaay si gaar ah kuwa u dhaw saldhigyad askarta Midowga Afrika ka socota ku leeyihiin Mahadaay.

Howlgallada waxaa ka horreeyay tiro hoobiyaal ah oo lagu tuuray xeryaha Ciidanka Burundi ay ku sugan yihiin halka iyaga qudhooda ay jawaab ka bixiyeen inkasta oo aan lasoo sheegin khasaaro ka dhashay.

Dadka degen Deegaanno dhowr ah oo u dhaw Saldhigyada Ciidamada Burundi ayaa isaga barakacay kaddib markii cabsi ay ka muujiyeen dhaqdhaqaaqyada iska soo horjeeda ee ay sameynayaan Ciidanka ATMIS & Al-Shabaab.

Deegaannada qaar waxaa lagu arkayaa diyaaradaha Qumaatiga u kaca oo dul meereysanaya, Ciidanka ATMIS ayaa xoojiyay saldhigyada ay ku leeyihiin Gobolka Shabeelaha Dhexe wixii ka dambeeyay weerarkii Ceel-Baraf ee dhacay 3dii May 2022.