Ciidanka DANAB oo Gobolka Jubada Hoose ka sameeyay Howlgal sababay Dhimasho.

0

Ciidamada sida gaarka u tababaran ee DANAB ayaa howlgal ka dhan ah Al-Shabaab ka sameeyay Gobolka Jubada hoose, waxaana ka dhashay Khasaare dhimasho sida ay sheegeen saraakiil katirsan Dowladda Soomaaliya.

Qoraal lagu daabacay Warbaahinta Dowladda ayaa lagu sheegay in howlgalkaan ay fuliyeen Ciidanka DANAB lagu burburiyay goobo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab oo ay ka abaabulayeen weerarada sida hadalka loo dhigay.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka Ciidamada gaarka ah ee Dowladda Federaalka ayaa sheegay in ay dileen 15-ruux oo katirsan Al-Shabaab inta uu socday howlgalkaan ka dhacay Gobolka Jubada hoose.

Sidoo kale saraakiil katirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa Mustaqbal u sheegay in ay ku guuleysteen soosaarka miinooyin waddooyinka ay Al-Shabaab u gelisay si ay ugu qarxiso Gaadiidka Ciidanka.

Dhaqdhaqaaqyada ciidamada Dowladda Federaalka ay kawadaan Gobolka Jubada Hoose ayaa kordhay todobaadyadii lasoo dhaafay, meelaha ugu badan oo ay ciidanku howlgalka ka sameeyeen waa deegaannada hoostaga Kismaayo.

Mustaqbal