COOPERAZIONE INTERNAZIONALE (COOPI) oo idiin soo gudbineysa fariin caafimaad (COVID19)

0

FARIIN CAAFIMAAD

ISKA ILAALI CUDURKA CORONA VIRUS (COVID19) – QEYBTA LABAAD

SIDA LOOGA HORTAGO CAABUQA COVID19 (COVID19)

SUULINTA FIKRADAHA QALDAN EE LAGA AAMISAN YAHAY COVID19

  1. Fayraska ma ku fidaa dhulka kulul?

Dadka qaar ayaa aaminsan in Fayraska Korona uusan ku faafi kareyn dhulalka cimiladoodu kulushahay sida Soomaaliya oo kale. Fikridani maaha mid dhab ah.  Fayrsaka waxaa uu ku fiday wadamo tiro badan oo cimilo kulul sida Soomaaliya lafteeda , Kenya iyo Ethiopia.

Sida ugu wanaagsan ee aad uga gaashaman karto ayaa ah inaad gacmaha aad meydhato muddo labaatan ilbidhiqsi ah  adigoo isticmaalaya sabuun iyo biyo iyo inaadan taaban indhahaaga, afkaaga iyo sankaaga iyo inaad ugu yaraan laba mitir ka fogaato dadka kale.

  1. Cudurka dadka aana Muslimka ahayn kaliya miyuu ku dhacaa?

Dadka qaar ayaa aaminsan in Fayraksa Kornona uu aafeeyo oo kaliya dadka ajinabiga oo uusan soomaalida ku dhicin ama dadka Muslimiinta. Tani dhab maaha. Waxaa cudurka laga helay dad ku dhaqan Soomaaliya, waxaa kaloo uu cudurka haleelay Soomaali tira badan oo dibadaha ku dhaqan oo qaarkood u dhintay.  Hadii aysan istakoorin ama guryahoodu ku ekaan dadka qaba cudurka waxaa dhici karta in Soomaali badan uu ku fido cudurkaasi.

Sida ugu wanaagsan ee aad uga gaashaman karto ayaa ah inaad gacmaha aad meydhato muddo labaatan ilbidhiqsi ah adigoo isticmaalaya sabuun iyo biyo iyo inaadan taaban indhahaaga, afkaaga iyo sankaaga iyo inaad ugu yaraan laba mitir ka fogaato dadka kale.

  1. Cudurka dadka waaweyn kaliya miyuu ku dhacaa?

Dadka qarkii ayaa aaminsan in dadka da’da ah oo kaliya uu haleelo cudurka. Tani dhab ma’aha. Inkastoo dadka da’da iyo kuwa qabo cudurada ah sida neefta, macaanka iyo cudurada wadnaha ay halis ugu jiraan iney u geeriyoodaan cudurka hadana waxaa uu cudurka haleelay dad da’ yar iyo ku da’ weynba iyagoo kuwa dhalin yar ay u geeriyoodeenba Fayraska.

Sida ugu wanaagsan ee aad uga gaashaman karto ayaa ah inaad gacmaha aad meydhato muddo labaatan ilbidhiqsi ah  adigoo isticmaalaya sabuun iyo biyo iyo inaadan taaban indhahaaga, afkaaga iyo sankaaga iyo inaad ugu yaraan laba mitir ka fogaato dadka kale.

 

  1. Ma waxaa jira cunnooyiin ama cabitaano gaar ah oo loo cuno Cudurka?

Dadka qaarkii ayaa aaminsan in la cuno cunooyinka qaarkood ama la cabo cabitaanada qaarkooda ama vitamiinada ay uga gaashaman karaan cudurka ama ku dawoobi karayaan marka uu haleelo Fayraska. Tani dhab maaha. Cudurka Fayraska Korona malaha wax daawo ah ilaa iyo haatan.

Sida ugu wanaagsan ee aad uga gaashaman karto ayaa ah inaad gacmaha aad meydhato mudo labaatan ilbidhiqsi ah  adigoo isticmaalaya sabuun iyo biyo iyo inaadan taaban indhahaaga, afkaaga iyo sankaaga iyo inaad ugu yaraan laba mitir ka fogaato dadka kale.

 

  1. Kaneecada ma gudbisaa Fayraska?

Kaneecadu ma gudbiso ama faafiso Cudurka Korona. Cudurku waxaa inta badan uu ku faafaa candhuufta ama diifka qofka qabo oo uu neefsado ama taabto qof kale.

Sida ugu wanaagsan ee aad uga gaashaman karto ayaa ah inaad gacmaha aad meydhato mudo labaatan ilbidhiqsi ah  adigoo isticmaalaya sabuun iyo biyo iyo inaadan taaban indhahaaga, afkaaga iyo sankaaga iyo inaad ugu yaraan laba mitir ka fogaato dadka kale.

  1. Daawada Antibayootiga ma lagu daawen karaa Fayraska?

Dawooyinka lagu daweeyo cudurdhaliyaha baktiiriyada ee lagu magacaabo antibiyootika ma daweyaan coronavirus. dawooyinkaasi waxa ay daweeyaan cudurada ka dhaso baktiirad. Cudurka Korona ee loo yaqaano COVID-19 waxaa dhaliyo Fayras ee maaha baktiiriya sidaasi awgeed maaha in loo isticmaalo daweeyntiisa antibiyootika.

Habka  ugu wanaagsan ee aad uga gaashaman karto ayaa ah inaad gacmaha aad meydhato mudo labaatan ilbidhiqsi ah adigoo isticmaalaya sabuun iyo biyo iyo inaadan taaban indhahaaga, afkaaga iyo sankaaga iyo inaad ugu yaraan laba mitir ka fogaato dadka kale.

Ka hel macluumaadkaaga ku saabsan COVID-19 ilo laga kalsoon yahay sida Waaxda Caafimaadka iyo baraha internetka ee Hay’adaha Caafimaadka. Ka taxaddar ilaha kale, gaar ahaan kuwa ka hadla daaweynta COVID-19.

Haddii aad wacyigelin caafimaad u baahanto Wac numberka gaaban ee 449

Fariintaan waxaa si wadajir ah idiin soo gudbiyey hay’ada COOPI oo la kaashaneysa hay’adda samafalka ee CANADA