COOPERAZIONE INTERNAZIONALE (COOPI) oo idiin soo gudbineysa fariin caafimaad (COVID19)

0

FARIIN CAAFIMAAD

ISKA ILAALI CUDURKA CORONA VIRUS (COVID19) – QEYBTA SADDEXAAD

Suulinta Fikradaha Qaldan Ee Laga Aamisan Yahay Covid19

Kahortagga COVID-19: Talooyin loogu talogalay Qoysaska Waawayn ama Qoysaska Ballaadhan ee Meel ku Wada Nool

Haddii dhawr qol ay ka dhexeeyaan koox dad ah, waxa jira qaabab badan oo aad u ilaalin karto naftaada iyo dadka kugula nool guriga. Talooyinkani waxay muhiim ku yihiin talobixinta kahortagga aasaasiga ah, hagista ku aaddan go’doominta, iyo waxa la sameeyo haddii qof bukoodo. Akhri oo gacan ka geyso ka hortagga xanuunka.

Ka-hortagga u samee naftaada iyo bulshadaadaba

Tallaabooyin qaad si naftaada iyo dadka kale aad uga badbaadiso COVID-19:

  • Ka fogow 6 fuud (2 mitir) dadka kale markaad ka tagto gurigaaga.
  • Gasho maaskaraha wejiga ama maro wejiga daboosha markaad tagto dukaammada cuntada iyo meelaha kale ee ay adag tahay in laga fogaado 6 fiit dadka kale.
  • Joog guriga markaad bukto.
  • Badanaa iska dhaq gacmaha.
  • Dabool afkaaga iyo sankaaga markaad qufacayso.
  • Nadiifi oo jermiska ka dil meelaha dushooda in badan la taataabto.
  • Ka hel macluumaadkaaga ku saabsan COVID-19 ilo laga kalsoon yahay sida Waaxda Caafimaadka iyo baraha internetka ee Hay’adaha Caafimaadka. Ka taxaddar ilaha kale, gaar ahaan kuwa ka hadla daaweynta COVID-19.

    Haddii aad wacyigelin caafimaad u baahanto Wac numberka gaaban ee 449

    Fariintaan waxaa si wadajir ah idiin soo gudbiyey hay’ada coopi oo la kaashaneysa hay’adda samafalka ee canada