COOPERAZIONE INTERNAZIONALE (COOPI) oo idiin soo gudbineysa fariin caafimaad (COVID19)

0

FARIIN CAAFIMAAD

ISKA ILAALI CUDURKA CORONA VIRUS (COVID19)

T Waa maxay Caabuqa Coronavirus (COVID19)

Feyraska Coronavirus ee loo yaqaano (COVID19) waa nooc cusub ee feyras kamid ah, waxuuna u faafaa qof ilaa qof. Cudarkaan wuxuu ku faafay dalal badan isaga oo ku dhacay in ka badan 30 million oo qof halka ay u dhinteen in ka badan 1 million. Ereyga COVID19 waxaa laga soo gaabiyey “Coronavirus Disease 2019” taas oo loola jeedo Cudurka Koronavirus ee bilawday sanadka 2019.

T Sida uu ku faafo:

Caabuqa Koronavirus waa Zoonotic, taas oo micnaheedu tahay inuu isaga gudbi karo Xayawaanka iyo Dadka.  Sidoo kale inay isku gudbin karaan labo qofood oo kulmay.  Waxaa ku qaadi kartaa, marka qof qaba Caabuqa Koronavirus uu kugu qufaco ama kugu hindhiso.

Sidoo kale, waxaa suurtogal ah inaad ka qaado Caabuqa taabashada oogada ama walax uu saaran yahay COVID19.  Ka dibna aad taabato Afkaaga, Sanka ama indhaha.

T Callaamadaha ugu waaweyn ee COVID19

Callaamadaha ugu waaweyn ee Caabuqa waxaa ka mid ah:

  • Callaamadaha Neef mareenka
  • Qandho
  • Qufac
  • Neefta kugu yaraato ama Neefta oo ku dhibto

Marxalladaha Adag ee Caabuqa wuxuu sababaa Pneumonia, Cuduradaha ku dhaca Neefmareenka, Killiyaha oo gaba shaqadooda iyo xitaa dhimasho.

T Tallaalka COVID19

Marka Caabuqa cusub yahay, badanaa malahan wax tallaal ah illaa laga sameeyo tallaal cusub oo looga hortagi karo. Waxaa laga yaabaa in sameynta Tallaalku qaadato muddo fog illaa dhawr sanno si loo helo tallaal lagu daweeyo Caabuqa.

T Hababka looga hortagi karo COVID19

  • Si joogto ah u dhaq gacmaha: Si joogto ah u nadiifi gacmahaaga adigoo isticmaalaya Jeermis dille, ama ku dhaq saabuun iyo biyo.

Sababta? In lagu dhaqo gacmaha biyo iyo saabuun ama isticmaalidda Jeermis dillaha waxay dileysaa Feyraska kor saaran oogada gacmaha taas oo sababi karta faafidda cudurka.

  • Kala fogaanshaha bulshada: Mar waliba ka fogoow wax ka badan 1 mitir dadka kale iyo qof kasta oo qufaco ama hindhiso.

Sababta?  Markuu qof cudurka qaba kugu qufaco ama kugu hindhiso wuxuu ku soo gaaraya dhibcaha ka soo baxa qofka afkiisa ama sankiisa kaasi oo uu la socdo feyraska. Haddii aad u dhawdahay, waxaad qaadeysaa hawada wasaqeysan ee sidatay dhibcaha feyraska ee ka soo baxay qofkaas afkiisa ama sankiisa.

  • Ka fogoow taabashada Indhaha, Sanka iyo Afka

Sabab? Gacmuhu waxay taabtaan meelo badan oo uu saaran yahay feyraska oo laga qaadi karo qof qabay cudurka, cudurku wuxuu awood u leeyahay inuu ku noolaado oogada walxaha muddo badan. Wuxuuna u gudbi karaa gacmaha kuwaas oo feyraska u gudbin kara indhahaaga, sanka ama afka. Markaas ka dibna feyraska wuxuu u galayaa jirkaaga wuxuu sababaa JIRO.

  • Mar waliba u dadaal Nadaafadda: hubi in adiga iyo dadka kugu xeeran ay ku dadaallaan nadaafadda iyo raacista tallaabooyinka caafimaad. Taas oo micnaheedu tahay Inaad afkaaga iyo sankaaga ku daboosho Xusulka marka aad qufaceyso ama hindhiseyso AMA ku dabool tiish. Ka dibna meel fiican ku tuur tiishka ama marada isticmaashay si dhaqsi leh ka dibna iska nadiifi meesha ay kaa gaareen wasakhda.

Sabab? Dhibcaha waxay faafiyaan feyraska. In la raaco tallaabooyinka caafimaad iyo nadaafadda waxaad ka illaalineysaa dadka kugu xeeran inaad u gudbiso feyraska sida Hergabka, flu iyo COVID19.

  • Is karantiil oo si degdeg ah u raadso daryeel caafimaad : Joog guriga haddii aad dareento caafimaad daro. Haddii aad isku aragto qandho, qufac ama neefta ku dhibto, raadso daryeel caafimaad si dhaqso ah uguna macquulsan. Raac tallaabooyinka caafimaad ee hay’adaha caafimaadka.

Sabab? Maamulka iyo hay’adaha caafimaad waxay hayaan warbixinnadii ugu dambeeyey ee xaalladaha goobaha ku dhaw. Wac si dhaqsi ah si aad u hesho daryeel iyo latalin caafimaad oo degdeg ah. Tani waxay ka hortageysaa oo ay kaa caawineysaa inaad ka hortagto faafitaanka caabuqa.

T Tilmaamo muujinayo dadka khatar ugu jiro inay qaadaan cudurka daran ee COVID-19.

  • Dadka 60 sano ka weyn.
  • Dadka difaaca jirka uu ku yaryahay.
  • Haweenka uurka leh.
  • Dadka leh cuduro kale, cuduradaas oo ka mid ah cudurada wadnaha, sambabada, iyo sonkorta.

Ka hel macluumaadkaaga ku saabsan COVID-19 ilo laga kalsoon yahay sida Waaxda Caafimaadka iyo baraha internetka ee Hay’adaha Caafimaadka. Ka taxaddar ilaha kale, gaar ahaan kuwa ka hadla daaweynta COVID-19.

Haddii aad wacyigelin caafimaad u baahanto Wac numberka gaaban ee 449

Fariintaan waxaa si wadajir ah idiin soo gudbiyey hay’ada coopi oo la kaashaneysa hay’adda samafalka ee canada