Coronavirus: Ma laga qaadi karaa qof dhintay?

0

 

Dunida oo dhan, Covid-19 waxa uu kaga tegayaa muuqaallo foolxun, oo ah dad dhintay kuwaas oo ehelkii jeclaa ee la murugoon lahaa aaskoodu aysan u soo dhawaan doonin.

Sawirradaasi keliya cabsi kama bixinayaan xaaladda kuwa dhintay, laakiin sidoo kale dhimashada lafteeda ayay ka bixinayaan. Waxaana cabsidaas ka mid ah, laga qabaa in meydka qofka dhintay u faafin karo xanuunkani.

Kolkaas, meydku ma gudbin karaa Covid-19? Ma aaminbaa in laga qaybgalaa aaskooda? meydka laf ahaantiisa m in la aasaa mise waa in la gubo?

Halkan kaga bogo waxa aannu ognahay.

Jidhka qofka dhintay ma sii gudbin karaa Covid-19?

Sida laga soo xigtay Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO), illaa inta taxadarka lagama maarmaanka ah la qaadayo, majirto sabab looga baqdo Covid-19 in uu faafin karo meydku.

Fayraska ‘Sars-CoV-2′, oo mas’uul ka ah cudurka, ayaa inta badan laga qaadaa dhibcaha ay sii daayaan bini’aadamka, tusaale ahaan marka la hadlayo, hindhiso ama la qufaco.

Si kastaba ha noqotee, waxay ku noolaan kartaa ilaa maalmo dhowr ah meelaha dusha adag.

William Adu-Krow, afayeen u hadlay Urur Caafimaadka oo Maraykana ah loona yaqaan (PAHO / WHO), ayaa sheegay in ilaa iyo hada, aysan jirin wax cadeyn ah oo ah in maydadka dadka u gudbinaya feyraskan,

Feyrasku jidh qofka ma ku negaan karaa?

“Marka aynu sidaas leennahay, kama dhigna inaan feyraskani la is qaadsiinayn, waayo, mararka qaar waxaabad jeceshahay inaad dhunkato qofkaas, ama wax la hal maala oo kale, sida darteed waa inaynu weli sii joogtaynaa iska ilaalintii iyo is xakamayntii’ ayay ku dareen khubaradu.

Talooyinka WHO ay faafisay bishii Maarso ayaa lagu sheegay “marka laga reebo xaaladaha xanuunnada lagu magacaabo ‘haemorrhagic fevers’ oo ay ka mid yihiin (sida Ebola, Marburg) iyo daacuunka, maydadku guud ahaan ma aha xanuun gudbye. Meelaha qaar, tirada muuqata ee dhimashada ah ee la xidhiidha’Covid-19′ ayaa horseeday qalalaase ka dhacay shirkadihii aaska.

iyadoo in la raaco tilmaamahi ahaa kala fogaanta bulshada, aaska ayaa laga mamnuucay dalal dhowr ah. Qaar kale wali way oggol yihiin, laakiin imaanshaha dadka ayaa xaddidan.

WHO waxay leedahay qoyska iyo asxaabta qofka dhintay waa ay daawan karaan aaska, illaa iyo inta ay ilaalinayaan xaddidaadaha qaarkood.

“Ma aha inay taabtaan ama dhunkadaan jidhka waana inay gacmahooda si buuxda ugu maydhaan saabuun iyo biyo ka dib daawashada, waa inay jidh ahaan ka fogaadaan fogaan gaadhsiisan ugu yaran 1m” sidaas ayay tilmaamuhu sheegayaan.

Dadka habdhiska neefsashada wax ka dareemaana, yaysan ka qaybgelin ama ugu yaraan waa in ay xidhaan maaskarka wajiga si looga hortago faafintaanka, ayay raaciyeen

Sida oo kale, carruurta, dadka waaweyn ee da’doodu ka weyn tahay 60 sano waa inaysan falgal toos ah la yeelan jidhka qofkaasi.

Meydka ma la aasi karaa, ma se waa la gubayaa?

WHO waxa ay sida oo kaloo sheegtey in aasitaanka iyo gubbidduba ay labaduba yihiin wax la aqbali karo.

Waxaa jirta sheeko xariiro, sheegaysa in dadka u dhinta xannuunta isaga gudba dadka, ay tahay in maydkooda la gubo, tani dhab ma aha. Gubitaanku waa dhaqan gaar ahaaneed ama waa sida ay ciddaasi u karaan.

Kuwa u xilsaaran budhigidda maydka – tusaale ahaan, marka la dhigayo qabriga, waa inay xidhaan galoofyada gacmaha, si buuxdana gacmahooda u maydhaan ka hor iyo ka dibba, isla mar ahaantaan tuuraan galoofyadaas.

WHO waxay leedahay “sharafta dadka dhintay, dhaqankooda iyo diintooda, iyo qoysaskooda waa in la ixtiraamo oo la ilaaliyaa mar kasta”.

Laakiin markii cabsidani faaftay, waxay caddaysay in xaaladdu ku adkaatay qaybo badan oo ka mida adduunka.

Meel kale, sawirro xabaalo wadareedyo ah oo ku yaal New York, magaalada Baraasiil ee Manaus ama Istanbul ayaa ka mid ahaa aasaskii warbaahinta aad u qabsaday.

Laakiin xaqiiqada dhabta ah ee dhimashada waqtiga coronavirus waa inaysan marin habkii loo aasi jirey dadka dhintay looguna samayn jirey sagootin sharaf leh, ayay WHO tidhi – waxay sheegtay in loo oggolaado in dadku dadka ay jeceyl yihiin si wacan ula murgoodaan.

“Maamulladu waa in ay ku maareeyaan xaalad kasta xaalad ahaanteeda, oo isku dheellitiraan xuquuqda qoyska, baahida loo qabo in la baadho sababta dhimashada, iyo halista la kulanka cudurka, “ayay tidhi hay’addu.

.