Culimada Soomaaliyeed oo walaac ka muujiyay falka kufsiga

0

Qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed ayaa walaac ka muujiyay falalka kufsiga ah oo maalmihi lasoo dhaafay kusoo batay qaar ka  mid ah gobolada dalka , waxaana ay sheegeen in dowladda Soomaaliya laga doonaayo baaritaano.

Sheekh Cabdulxayi Sheekh Aadan oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed ayaa sheegay in falalkaasi naxdinta leh ay ka dambeeyaan gacmo ka baxsan Soomaaliya, islamarkaana Hay’addaha baarista laga codsanaayo in baaritaano dheeraad ah lagu sameeyo.

Waxaa uu sheegay in dhaqanka Suuban ee Soomaaliyeed iyo diinta islaamka ay kasoo horjeedaan falalkaan, islamarkaana ay dhacdooyinka la kufsanaayo carruurta yar yar ay yihiin kuwo ku cusub Soomaaliya.

Sheekh ayaa tilmaamay haddii aan tilaabo laga qaadin kuwa ka dambeeya falkaasi in dhibaatooyin hor leh ay ka dhalaan karaan.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa sheegay in uu daba taagan yihiin kiiska kufsiga iyo dilkii waxashnimada ee Muqdisho loo geystay Marxuumad Xamdi Maxamed Faarax, islamarkaana ay warbixin ka sugayan hay’addaha Ammaanka.

Waxaa uu sheegeen in marnaba kiiskaas aysan ka hari doonin ilaa cadaaladda la marsiiyo dadkii ka dambeeyay falkaas, kuwaas oo qaarkood la sheegay in Ciidamada Ammaanka ay gacanta ku hayaan.