Daahfurka wadashaqaynta Garsoorka JFS iyo Barnaamijka balaadhinta adeegyada Marin u helida Cadaaladda

0

War Saxaafadeed

Xafladda daahfurka is-afgaradka wadashaqaynta Garsoorka Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Barnaamijka balaadhinta adeegyada Marin u helida Cadaaladda

Goobta: Muqdisho, Soomaaliya

Waqtiga: Isniin, 21ka Sebteembar, 2020

Maanta waxaa is-afgarad wadashaqayneed gaadhay Garsoorka Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Barnaamijka Ballaadhinta Adeegyada Marin u helida Cadaaladda. Iyadoo la tixraacayo is-afgaradka, Barnaamijka Ballaadhinta Adeegyada Marin u helida Cadaaladda ee Soomaaliya wuxuu wadda shaqayn dhaw la yeelan doonaa garsoorka si kor loogu qaado loona balaadhiyo adeegyada cadaalada ee dalka. Gaar ahaan, Barnaamijka Ballaadhinta Adeegyada Marin u helida Cadaaladda wuxuu qorshaynayaa inuu ka taageerto Garsoorka Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya dadaalka uu ugu jiro horumarinta waxqabadka maxkamada, iyadoo dhanka kalena siineysa Garsoorka fursad tababar iyo tijaabinta habab badan oo lagu horumarinayo adeeg bixinta, oo ay ku jiraan adeegsiga guddiga macmiilka maxkamadaha iyo madasha garsoorayaasha.

is-afgaradkan waxaa lagu saxeexay, xaflad uu goobjoog ka ahaa Mudane. Baashe Yuusuf Axmed, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Garsoorka Soomaaliya, iyo Madaxa Barnaamijka Ballaadhinta Adeegyada Marin u helida Cadaaladda, Mudane Anton Pestana.

“Maanta, Garsoorka Soomaaliya iyo Barnaamijka Ballaadhinta Adeegyada Marin u helida Cadaaladdu waxay bilaabeen iskaashi loogu talagalay balaadhinta caddaaladda Soomaaliya. Waxaan ku faraxsanahay inaan saxeexnay is-afgarad wadashaqayneed oo aan la galnay Barnaamijka Ballaadhinta Adeegyada Marin u helida Cadaaladda oo dejinaya ujeedooyinka iskaashiga. Waxaan xaqiijinayaa sida ay iiga go’antahay inaan sii wado ka shaqeynta hagaajinta adeegyada maxkamadaha, ilaa inta ay noqonayaan kuwo uu heli karo, awoodina karo, cadaalad iyo waxtarna u leh qof walba oo Soomaaliyeed. Waxaan sidoo kale fursaddan uga faaidaysanayaa in aan u mahad celiyo USAID, oo ah deeq bixiyaha Barnaamijka balaadhinta adeega Marin u helida Cadaaladda, sida hagar la’aanta ah ee ay uga go’an tahay inay taageeraan caddaaladda Soomaaliya” ayuu yidhi Mudane. Baashe Yuusuf Axmed, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Soomaaliya.

 “Barnaamijka balaadhinta adeega Marin u helida Cadaaladda waxaa ka go’an inuu taageero Garsoorka iyadoo mudaanta la siinayo dib-u-habeynta garsoorka iyo toosintiisa, Iyadoo loo marayo iskaashigan maanta la saxeexay, Barnaamijka balaadhinta adeega Marin u helida Cadaaladda wuxuu taageeri doonaa Garsoorka gaar ahaan maxkamadaha degmooyinka Muqdisho. Isku soo wada duuboo, dadaalladaani waxay xoojinayaan iskaashiga ka dhexeeya dhammaan lakabyada caddaaladda iyo bulshada. Barnaamijka balaadhinta adeega Marin u helida Cadaaladda wuxuu sidoo kale ka taageeri doontaa Garsoorka qabashada madal garsooreyaasha ah oo fursad u siin doona garsoorayaasha Soomaaliya inay gacan ka geystaan horumarinta adeeg bixinta ee maxkamadahooda” ”ayuu yidhi Madaxa Barnaamijka balaadhinta adeega Marin u helida Cadaaladda, Anton Pestana.

 

Dhammaad

Ogaysiin Tifatirayaasha

Faahfaahinta sooyaalka Barnaamijka balaadhinta adeega Marin u helida Cadaaladda raadraaciisa ayaa ku lifaaqan warsaxaafadeedkan.

Macluumaad dheeri ah oo ku saabsan Hawlaha Barnaamijka balaadhinta adeega Marin u helida Cadaaladda iyo waxqabadkiisa waxaa kala socon kartaa baraha bulshada sida:

Twitter: @EAJProgram

Website: https://www.eajprogram.org/

Email: apestana@pactworld.org

Waydiimaha warbaahinta fadlan la xidhiidh:

Barnaamijka balaadhinta adeega Marin u helida Cadaaladda Soomaaliya

Mudane Christopher Mwangi

ckmwangi@pactworld.org

Moobayl: + 254720376376

Email: ckmwangi@pactworld.org