Shir looga hadlayay dar dar gelinta shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa maanta waxaa lagu qabtay magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Waxaana kulankan ka qeyb galay xubno ka socday dowladda Soomaaliya, Duubabka dhaqanka, Ururka Haweenka iyo qeybaha kale ee bulshada.
Kulanka ayaa intiisa badan waxaa diirada lagu saaray sidii loo da dejin lahaa dhameystirka shirka maamul u sameynta labada gobol, waxaana wali laga sugayaa Guddiga fududeynta shirka inay soo bandhigaan sida beelaha ay u qeybsadeen ergooyinka shirka ee la xareyn doono. Visit mesa.uptownjungle.com.
Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed Batuulo Sheekh Axmed Gaballe ayaa ugu baaqday Duubabka dhaqanka inay da dejiyaan soo xulista ergooyinka shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.