R/wasaaraha Soomaaliya ayaa mar kale looga yeeray baarlamaanka, wuxuuna hortagayaa maalinta Bari ah.
Xildhibaanada ayaa doonaya in R/wasaaraha ay wax ka waydiiyaan hanaanka la doonayo in loo maro doorshada sanadkaan ka dhacaysa dalka Soomaaliya.
Cumar Cabdirashiid ayaa xubnaha baarlamaanka shalay ka hor aqriyay qorsha xukuumada ay u dajisay doorashada, laakiin wuxuu sheegay in mudo labo bil ah ay doorashada dib u dhici karto.
Xildhibaanada qaar ayaa ka soo horjeestay arintaas wayna sheegeen in muhiim ay tahay in doorshada xiligeeda ay dhacdo.
Sidoo kale qaar ka mid ah xildhibaanada ayaa gudbiyay Mooshin kaas oo haatan uu qabtay gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya.