DAAWO MUUQAAL:- Waxgaradka Muqdisho “waa qasab in Banaadir xubno uu ku yeesho Aqalka

0

Madaxda dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa horey ugu heshiiyay dhismaha Aqalka Sare iyadoo xubanaha Aqalka Sare soo galaya ay ka imaanayaan goblada dalka si gaar ahna maamulada Puntland iyo Soomaaliland min 3 xubnood ay udheeraanayaan gobolada kale ee Galmudug, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Aqalka Sare waxaanan lagu darin oo aanan xubno ku laheyn gobolka Banaadir sida horey loogu heshiiyay.

Arintaasi hada waxaa ka soo horjeeda dadka degan gobolka Banaadir kuwaas oo ku doodaya in aan heshiiskaas hirgali karin.

Dooda ay qabaan waxgaradka gobolka Banaadir waxaa la qaba Duqii hore ee Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa  sheegay in markii horeba heshiiskaas uu ahaa mid sharci daro ah.

Cabashada iyo Dooda dadka Muqdisho ayaa ku soo aadeysa iyadoo haatan magaalada Muqdisho ay ku sugan yihiin Madaxda dowladda iyo maamul goboleedyada oo horey heshiiskaan uwada gaaray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here