DAAWO SAWIRADA BANAANBAXA:- Beelaha Hawiye iyo Beelaha kale ee Muqdisho oo ka horyimid Qorshaha Aqalka Sare

0

Banaanbaxani ballaaran oo ay isugu soo baxeen qaar ka mid ah Haweenka, dhalinyarada iyo qeybaha kale ee bulshada ee iyagu ku nool Gobolka Banaadir ayaa maanta waxa uu ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Banaanbaxayaasha , Masuuliyiinta maamulka Gobolka Banaadir iyo Odayaasha dhaqanka Magaalada Muqdisho dhammaantood waxa ay ka cabanayeen in la duudsiiyay Xuquuqdi ay u lahaayeen in awood qeybsiga dalka ay kaalin ku yeeshaan.

Qaar ka mid ah dadkii ka hadlay dibadbaxaasi ayaa hoosta ka xariiqay in Cabashadooda ay u gudbin doonaan Golaha Shacbiga Soomaaliyeed islamarkaana aysan jiri doonin cid xuquuqdooda dafirta.

Dhinaciisa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa sheegay in Mushaarka hay’adaha dowladda, Ciidanka iyo howlaha kale ee dowladda lacagaha lagu furdaamiyo laga bixiyo Dekedda Muqdisho, hadana dadkii Magaalada ka soo jeeday xaq ma lihidiin in la yiraahdo , cidna in aysan ka yeeli doonin ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

“ Beesha Caalamka ayaa masuul ka ah in xuquuqda shacabka Muqdisho cid kale iyadoo lagu qancinayo in la yiraahdo ha laga tanaasulo” ayuu yiri Guddoomiye Madaale.

Banaanbaxayaasha ayaa socod ku soo maray qeybo ka mid ah waddooyinka Magaalada Muqdisho , iyagoona ku dhawaaqayay in aysan ka tanaasuli doonin xuquuqdooda.

banan-bax-banaadir-1 banan-bax-banaadir-2 banan-bax-banaadir-3 banan-bax-banaadir-4 banan-bax-banaadir-5 banan-bax-banaadir-6 banan-bax-banaadir-7 banan-bax-banaadir-8 banan-bax-banaadir-9 banan-bax-banaadir-9-1-696x464 banan-bax-banaadir-10 banan-bax-banaadir-11 banan-bax-banaadir-12 banan-bax-banaadir-13 banan-bax-banaadir-14 banan-bax-banaadir-15

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here