Ugaaska beelaha Mudullood Ugaas Maxmuud Cali Ugaas oo warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyey kulan ay maanta yeesheen odayaasha dhawanka beelaha Muqdisho iyo guddiga abaabulka banaan-bixii dhawaan dib loo dhigay ee mucaaradku iclaamiyey, xukuumaduna ogolaatay.
Ugaaska ayaa sheegay inay isku afgarteen ayaga iyo guddiga abaabulka bannaan-baxa in 28-ka bisha soo socota ee Febraayo la isugu yimaado bannaanbax nabadeed.
Ugaaska ayaa sidoo kale sheegay inta ka horeysa waqtigaas inay si dhaw ula soca doonaan, dhaq-dhaqaaqa doorashada dalka, waxuuna aad ugu mahad celiyey xubnihii loo xil-saaray abaabulka banaan-baxa oo ka aqbalay soo jeedintoodii.
“In 28-ka Febraayo la isugu yimaado banaan-bax nabadeed oo weyn ayaan isku af-garanay, kaas oo ka culus kii hore ee abaabulnaa, umaduna ay si xor ah ay dareenkeeda u cabiri doonto, ka horna waxaan si dhaw ula soca doonaa dhaqdhaqaaqa doorashada dalka ka socota,” ayuu yiri Ugaas Maxamuud.
Ugaaska ayaa ku baaqay in loo dareero doorasho xalaal ah oo laga fogaado khilaafka iyo boobka, sidoo kale bulshada gobolka Banaadir ayuu fariin u diray, isagoo balan qaaday in hadda kadib ay odayaasha dhaqanka gobolka Banaadir ay doorkooda qaada doonaan.
“Bulshada gobolkaan waxaan leeyahay dadkiina ku kalsoonaada, waxaan isku afgaranay in doorashada lagu aado, anigoo afka odayaasha ku hadlaya, waxaan ka shaqeyn doonaa isu-keenidda bulshada ku abtirsata gobolkaan Banaadir, waxaan ka shaqey doonaa in magaaladaan oo nabad ah dowlad xor ah lagu doorto,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Ugaas Maxamuud.