Dagaal aan waxba la isku reeban oo kadhacay Sh/Hoose iyo warar sheegay in sarkaal sare oo Al-shabaab ah lagu dilay

0

Dagaalyahano ka tirsan ururka Al-shabaab ayaa weerar dhowr jiho ah waxay ku qaadeen degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeelaha Hoose oo ay fariisimo ciidan ay ku leeyihiin ciidamada dowlada Soomaliya iyo AMISOM.

Saraakiisha ciidmada dowlada Soomaaliya ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in dagaalkaas ay ku jabiyeen  Dagaalyahanadii Al-shabaabka ahaa ee weerarka kusoo qaaday .

Sarkaal ka tirsan ciidamada dowldaSoomaaliya ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalkaas ay ku dileen Hogaamiyihii Al shabaab ee dagaalkaas sidoo kalana qaarkamid ah dagaalamayaasha al-shabaabiyagoo dhaawacah ay goobta ka carareen .

Warar ka madax banaana dhinacyada ku dagaamay Qoryooleey ayaa sheegaya in labada dhinacee Al-shabaab iyo ciidamada dowladauu khasaaro soo kala gaaray .

Qaarka mid ah dadk deegaanka ayaa sheegaya inay xaqiijiyeen geeridalabo Askari oo ka tirsan ciidamadadowladaSoomaaliya hayeeshee dhanka Al-shabaab aysan ka warheyn .

Saraakiisha Al-shabaab wali kamaaysan hadlin dagaalkaan marka laga reebo sheegashada ciidamadadowladaSoomaaliya ee ah inay dileen hogaamiyihii dagaalka ee ururka Al-shabaab .

Al-shabaab ayaa ku sugan qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose wxaana inta bada ay weeraro kusoo qadan ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM fariisimaha ay ku leeyihiin gobolkaas.

Xogdoonnews;

Muqdisho Somalia

Xogdoon2015@gmail.com