Dagaal u dhexeeya maleeshiyaad kala taabacsan Puntland iyo Galmudug oo ka qarxay Mudug

0

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal beeleed saaka dib uga qarxay duleedka magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka oo ah mid culus uu u dhexeeyo maleeshiyaad kala taabacsan maamullada dariska ee  Puntland iyo Galmudug, waxaana xoogiisu haatan uu ka socdaan deegaanka lagu magacaabo Taar-Roge oo ka tirsan gobolka Mudug.

Ilo deegaanka ah ayaa u sheegay Caasimada Online in dagaalka oo marba marka ka dambeysa sii xoogeysanaya la’isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ay fashilmeen dadaallo lagu doonayey in lagu dhex-dhexaadiyo labada dhinac oo horay ugu dagaalamay halkaasi.

Ma cadda khasaarah dhabta ah ee ka dhashay dagaalka oo weli dhawaqa rasaasta iyo hubka la’isku laga maqlayo qeybo badan oo ka mid ah gobolka Mudug.

Dagaallada u dhexeeya maleeshiyada labada dhinac ayaa marar badan ku soo laa-laabtay gobolka, waxaana khasaaraha ugu badan uu ka soo gaaraa dadka rayidka ah.