Dagaalada & Nabadgelyo xumida Boosaaso oo sababay hoos u dhaca Shaqada Dekedda & Sarakaca Qiimaha Cuntada!

0

Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari oo katirsan DG Soomaaliyeed ee Puntland waxaa ka taagnaa laga soo billaabo dabayaaqada sanadkii 2021 dirir iyo colaad sababtay dhimasho, dhaawac, Burbur hanti iyo barakac.

Dagaalka ayaa ka dhashay xil ka qaadis Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni uu ku sameeyay Agaasimaha PSF Maxamuud Cismaan Diyaano 24kii November 2021 balse gaashaanka ku dhuftay xil ka qaadistaas.

Hub uruursi Deni & Diyaano ay ka sameeyeen Boosaaso ayaa sababtay in 21kii December 2021 uu dagaal ka qarxo agagaarka Dhismaha Madaxtooyada Boosaaso, kaddib markii Ciidanka ka amar-qaata Madxweynaha Puntland ay hareereeyeen askarta PSF ee la safatay Agaasimahooda Xil wareejinta diiday.

Waan-waan lagu dhaliyay xabad-joojin ayaa fashilantay 23kii December 2021, waxaa markii dambe ku baxay Isimada dhaqanka, Madaxweyneyaashii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole & Cabdiweli Gaas, Ra’iisul Wasaare Hore Cumar Cabdirashiid & siyaasiyiin kale.

Xabad hadda kama socota Xarunta Gobolka Bari balse waxaa hoos ka nool dabkii lagu gubtay, Colaaddaas waxaa ku xirmay Dekedda Boosaaso oo Badeecadda laga soo dejiyo la geeyo illaa Gobollada Dhexe & Bartamaha Dalka.

Gaabiska ku yimid Dekedda Boosaso oo Ganacsi ahaan ay ku xiran yihiin inta badan gobollada dhexe ee Dalka waxaa is badelay qiimaha maciishadda nuucyadeeda kala duwan, waxaana kordhay wax kudhow 30% Magaalooyinka waweyn ee Dowlad-Goboleedyada Galmudug & Puntland.

Qiimaha Cuntada ee gobollada Bari, Nugaal, Mudug, Galgaguud & Hiiraan ayaa kacay sabab la xiriirta gaadiidka Boosaaso ka soo daabula cuntada oo joojiyey shaqadaas iyo dekedda oo shaqadeedu istaagtay intii ay socotay collaaddu.

Arrinta sii murjisay dagaalka iyo colaadda ka taagan Boosaaso ayay madaxdii iyo odayaashii kujiray Waanwaantu ku sheegin in ay tahay dagaalka oo ka dhextaagan dowlad-goboleedka dhexdeeda taas oo ka culus kana adag marka ay khilaafyadu ka dhex dhacaan Dowladda iyo koox ka baxsan dowladda.