Dalal Soomaaliya ay kamid tahay oo 4tii Ilbiriqsi hal qof uu Cunno la’aan u geeriyoodo!

0

238 Urur oo ay ku jiraan Hay’ado samafal oo odorasay heerka Gaajo waddamo Soomaaliya ay kamid tahay ayaa Qaramada Midoobay u gudbiyay walaacooda si wax looga qabto dhibaatooyinka dabar go’a ku noqonaya jiilka Mustaqbalka.

Dhambaal furan oo ay Hay’adahaan u direen Qaramada Midoobay oo fadhi gaar ah ka leh xaaladaha dunida ka taagan ayay ku sheegeen in afartii ilbiriqsi waddamo Soomaaliya ay kamid tahay gaajo loogu dhinto.

Hay’adahaan & Ururradaan mideeyay xog-baaristooda ayaa wadajir u sheegay in 345 Milyan oo qof ay qarka u saaran yihiin in ay u dhintaan Gaajo daran oo ku haysata waddamadooda oo haddii aan gargaar loo helin naftooda waayi kara.

“In kasta oo madaxda caalamkunay ballan-qaadyo ku sameeyeen in aan marnaba la oggolaan karin macluul qarnigan 21-aad, haddana macluul ayaa mar kale kusoo fool leh Soomaaliya, adduunka oo dhan 50 milyan oo qof ayaa qarka u saaran inay macluul u dhintaan 45 waddan” ayaa lagu yiri bayaanka Ururradaan.

Dhibaatooyinka Nololeed ee waddamada caalamka ka jira ayaa loo sababeeyay is baddelka Cimilada, dagaallada aan dhammaadka lahayn, Roobka oo aan ka di’in dhulka beeraha & daaqa ah, Ayaxa ku habsaday dhul badan & Xayiraaddii Covid-19.

Madaxda ka qaybgaleysa meertada 77aad ee Fadhiga sanadlaha ee Qaramada Midoobay ayaa isku raacsan kahortagga halista ka dhalan karta cunno la’aanta balse waxaa looga fadhiyaa in la fuliyo yabooha ay madasha ka dhex sameeyaan.