Dastuurka oo Dagaal ka dhex qarxiyay Maxkamadda sare iyo Wasaaradda Cadaaladda

0

Maqnaanshiyaha guddiga adeegga garsoorka iyo dhameystir la’aanta dastuurka KMG ah, waxaa ay keentay in dagaal dastuuri ah ka dhex bilowdo wasaaradda cadaaladda iyo arrimaha garsoorka iyo maxkamadda sare ee dalka.

Dagaalkan oo qoraallo la isku dhaafsaday, waxaa uu salka ku hayaa labo qodob oo kala ah: Diyaarinta sharciga mac-hadka tababarka garsoorka iyo hab-raaca abuurista mac-hadka.

Haddaba, warbaahintu waxaa ay heshay 3 warqad oo ay is dhaafsadeen maxkamadda sare iyo wasaaradda cadaaladda iyo arrimaha garsoorka, waxaanna akhristayaasha u faah-faahin-doonnaa sida ay wax u jiraan.