Deg Deg: Ciidanka Puntland oo Heegan buuxa la galiyay

0

War saxaafadeed laga soo saaray kulanka Golaha Wasiirada ee maamulka Puntland oo ka dhacay magaalada Garowe ayaa waxaa looga hadlay xaalada amni ee deegaanada Puntland, waxaana kulanka shir gudoominayay Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland C/xakiin Camey.

Golaha Wasiirada maamulka Puntland ayaa waxa ay ka doodeen xaalada guud ee amniga deegaanada Puntland, waxaana Goluhu ay cadeeyeen in ciidamada amniga Puntland ay wadaan howlgallo joogto ah.

Golaha Wasiirada maamulka Puntland ayaa sidoo kale waxa ay ku dheeraadeen ka hadalka qorshaha lagu sugayo amniga deegaanada Puntland inta lagu guda jiro Bisha Barakeysan ee Ramadaan oo laga cabsi qabo in Al-shabaab ay weeraro ka geystaan deegaanada Puntland, sida lagu yiri warka qoraalka ah ee ka soo baxay Golaha Wasiirada Puntland.

Golaha Wasiirada ayaa sidoo kale waxa ay ku baaqeen in si deg deg ah loo joojiyo dagaaladii maalmihii udambeeyay ka dhacayay gobolka Sool, halkaasi oo ay ku dagaalameen beelo walaalo ah.

Ugu dambeyntii Golaha Wasiirada maamulka Puntland ayaa cambaareeyay falkii lagu dilay Gudoomiyihii ururka Haweenka gobolka Mudug Marwo Dhudi Yuusf Aadan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here